Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun:Suldaan Buzeeri Suldaan Nimcaan oo Maanta Ku Geeriyooday Magaalada Dire-Dawa.

Diredawa(CakaaraTacsi). Madaxweynaha DDSI,Golaha capinetka iyo Guurtida Odoyaasha Dhaqanka Deegaanka ayaa waxa ay Tacsi Tiiraanyo iyo Naxdinba leh u Dirayaan Qoyskii,Ehelkii,Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Suldaan Buzeri Suldaan Nimcaan Suldaan Sheekh Xasan oo ka mid ahaa Hogaaminta Dhaqanka iyo Xeer-beegta aadka looga Qadariyo Guud ahaan Deegaanka gaar ahaana Gobolka faafan iyo Nawaaxigiisa "Lehna Waxaan Allaha Awooda badan ee ay Dhankiisa Ka ahaatay Uga Baryaynaa Marxuumka in uu Wadar ahaanteen Samir iyo iimaan inaga Siiyo Marxuumkana naxariistii Jano Ka Waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Marxuumka ayaa ku Geeriyooday dhakhtarka bilaal ee ku yaala Magaalada Diredawa isagoona ifka kaga tagay Caruur dhan 3 oo kala ah 1wiil iyo laba gabdhood iyo laba xaas Suldaanka ayaa ku dhashay Magaalada Jigjiga Sanadkii 1963.

Marxuumka ayaa Berito Subax lagu Aasi Doonaa Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalada Jigjiga Saacadu markay tahay 9:00 ilaa 10:00ka Subaxnimo Hadii alle Idmo.

Hawl-wadeenada iyo Madaxda Shabakada CakaaraNews ayaa iyaguna Dhankooda Tacsi Murugo leh u Diraysa Dhamaanba Shacabka DDSI,Xukuumada,Qoyskii iyo Caruurtii uu Ka Bxay Marxuumku Allana uga baryay Naxariistii Jano Aamiin Aamiin Aamiin.Anagoona Marxuumka Taariikh-Nololeedkiisa Dib Idiinka Soo Daabici Doona,