Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Lagu Gorfaynayay Sidii Deegaanka Markii 1aad looga Hirgalin lahaa Barnaamijka Caymiska Caafimaadka “HEALTH INSURANCE” oo Ka Dhacay Xarunta XDSHSI.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco Nov,27,2013.Madaxweyne Ku Xigeenka Ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane: C/Fataax Max’ud Xasan Oo Ka Qaybgalay Kulan Lagaga Hadlayey Sidii Degaanka Looga Hirgelinlahaa Caymiska Cafimaadka “Health Insurance” Oo Ay Ka Soo Qaybgaleen Masuuliyiin Ka Socotay Wakaalada Caymiska Caafimaadka Ee Heer Federal Iyo Wasiirada Xafiisyada Heer Degaan Laguna Qabtay Xarunta Dhexe X.D.SH.S.I Ayaa Waxaa uu sharax dheer ka bixiyay faaiidooyinka uu hirgalinta baraamijkan u leeyahay Shaqaalaha Qaabdhismeedyada Dawlada heerarkooda.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ka warbixiyay Qorshayaasha Xukuumada DDSI Si Ay Dawladu U Sugto Xuquuqda Shaqaalaha Iyo Qoysaskooda In Sanadihi Lasoo Dhaafay ay ka sakow Qorshayaasheeda Dhanka Horumarka ay waday daraasaad iyo Qorshayaasha Ay ku Hirgelisay Barnaamijyo Badan uuna ka mid yahay Damaanada Caafimaadka Caymiska la galinayo Shaqaalaha Dawlada iyo Qoysaskooda oo dhaxal u noqon doona Ubadka aynu dhalnay ayuu yidhi.

Mudane C/fataax oo sii wata ayaa yidhi Hirgalinta Barnaamijka Caymiska Caafimaadku Uu Yahay Talaabo Kale Oo Ay Dawladu Horey Ugu Qaadayso Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Iyo Qoysaskooda Masuulka Ayaa Intaasi Raaciyey Iin Caymiska Cafimaadku“Health Insurance” Uu Xaqiijinayo Xuquuqda Bani’aadminimo Ee Uu Xaqa Uleeyahay Qofku Marka Uu Xanuun Lasoo Darso Iyo In Degaanka Laga Hirgelindoono Laba Xarumood Oo Ka Shaqayndoona Caymiska Caafimadka Bisha Tahasaas.

Waxaa Iyaduna Kulankaasi Ka Hadashay Mareeyaha Wakaalada Caymiska Caafimadka DFI Marwo: Roman Tesfaye Oo Sheegtay Caymiska Caafimadka “Health Insurance” faaiidada iyo Adeegyada Uu Ka Helayo Marka Qofka Shaqaalaha ah Uu Noqdo Xubinka Mid Ah Caymiska Cafimadka Ay Yihiin Adeegyada-Cafimaadka Bukaan Socodka Adeega Caafimaadka Bukaanjiifka,Qaliinka Iyo Adeega Caafimaadka Daawo Helida Iyo Baadhitaanka Ayaa Waxaa Marwada Ku Wehelinayey Lataliyaheeda Ato: Getachaw Duruneh Oo Isagu Dhankiisa Bogaadiyey Kulankan Iyo In Degaanka Laga Hirrgeliyo Barnaamijkan.

Kulankan Oo Intii Lagu Gudo Jirey La Isku Weydaarsaday Su’aalo Ayaa Waxaa La Isla Qaatay In Barnaamijka Caymiska Cafimadka Laga Hirgeliyo Degaanka Sida Uu Dhigayo “National Policyga Dalku”. Kulankan ayaa ay Sharaxyada iyo habraacyada Hirgalinta iyo kudhaqankiisa barnaamijkan ka bixinayeen Mareyaha Wakaalada Caymiska Dalkan Itoobiya Marwo : Roman Tesfaye iyo Khuburo kuxeeldheer hababka caymiska caafimaadka,iyadoona uu Barnaamijkan U Qaybsanaa Sadex Qaybood “Community Health Insurance”, “Private Health Insurance” & “Social Health Insurance” Oo Ah Qaybta Shaqaalaha Hawlgabka Noqa Oo La Isla Qaatay In Laga Jaro 1% Iyo Shaqaalaha Dawlada In Iyagana Laga Jaro 3% Iyaga Iyo Xafiiska Ay Ka Shaqeyaan. Barnaamijka Caymiska Caafimaadka “Health Insurance” markiiUgu Horeysay Laga Hirgeliyey Dalka Germany 1983 UC Halka Dalkan Itoobiya Laga Hirgeliyey sanadkii 2005 T.I balse DDSI Laga Hirgelin doono Bisha Tahasaas Ee Sanadkan 2006 T.I .