Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ku Biiri Fikirkaaga Xuska Hidar 29.Jacburkii Maalingta Qoomiyadaha Itoobiya

By Majaajilayste Gh Wiilwaal

AA(CakaaraRa'yi).Waxaa noo soo diray Dhambaal ka soo duxay Arwaaxda iyo Quluubta Majaajaliistaha Da'da yar ee aan Dabadii Maanso la loodin karin Waa Garaad Wiil-waal oon hubo in la wada jaleeci Maansada hal-abuurkiisa Tooboon ee Dhinac kasta kuu Tilmaamaysa kuguna Fahansiin hadba luuqdaad doonto iyo farxad-galinta Maskaxdaada.

Hadaba Abwaan ama majaailiiste Wiil-waal oo Hore ugu soo daabacnay Shabakada cakaaraNews ayaa maantana soo qoray Qoraal ama Maanso Jacbur ah Balse Nuxur wayn ugu fadhida Xuska Maalinta Hidar 29 ee dhawaan ka dhici doonta Magaalada Jigjiga Markii 8aad Waana Sidan Hoos Ku Qoran.

Qoomiyadahan kala jaadka ah Kala jaah iyo map-ka ah

Kala choice-ka iyo diinta ah

Kala luuqdiyo jiibta ah

Kala jaantiyo dheesha ah

Oo iska kaa jecel baa Na soo jiidanayoo Jigjiga noogu casuuman!

oonu isu-jeelanahoo Wadar ahaan Jacayl walaalnimo Batarka iyo Dheesha ku wada Tuman Jigjiga.

Itoobiyaanka “abet” iyo War “ishii”-da i haayaAmaba iiba adeegi

“Indhee” Ubbooy Maxaad iiga hor keeni?

Taariikhdii la aasay iyo Taaladii Sayidka Tigree baa wax ka taagay!

War ilaa iyo Gondhar baa Gabaygiisa dhagaysan! S

oomaalida gobolkaay, Dadka ha iska gaabininoo, Gooni-daaq ha noqonine,

Itoobiya gees gees, Oramiya gacal walaalee,

Guraagada ganacsigiyo Gadashada school ka baro,

Canfarta la idinkama gartee Isu-Hilow walaalnimo,

Hararida geediga la wada,

Been-shaanguul guulaystayaal, Ganbeeliyo Shucuubta-Koonfureed(southernkana),

Gabadh anigana iiga doona!

Qoomiyadahaa Walaalaha qarankaa wayn iyo Qorshaha aynu wadaagnay,

Ee nagu soo qul-quli.. Ayaamahan inoo marti ah Wixii aan Ubo ahayn, Anaaba og waa ehelkiiyoo,

Waana amaseginaaloow Iyo ilaahay amarkii