Xidiga Reer-Brazil Gustavo oo Ay ku Looltamayaan Soo Xero Galintiisa Kooxaha Barcelona iyo Arsenal.

Sport(Cakaara) Sabti Nov,30,2013.kooxaha Arsenal iyo Barcelona ayaa ku looltamaya soo xero-gelinta laacibka reer-Brazil Luiz Gustavo oo Wakhti-xaadirkan ka ciyaara Dalka Germany gaar ahaan Kooxda Kubada Cagta ee lagu mgacaabo Wolfsburg.

Sida ay jariiradaha iyo suuqyada Ciyaartoydu shaaciyeen 2-dan Kooxood ayaa mid albaa geeskeeda u balan-qaaday aduun-lacageed oo gaaraya 25-Malyan oo Euro inay laacibkan ku iibsanayaan.

Dhanka kale waxaa ay kooxda uu iminka u ciyaaro ee Jarmalka ka fikireysaa 2--daas koox midkii jeeb buuran Baayacaada inay ka iibiyaan Laacibkan reer Brazil .