Shir Hee- Caalami ah oo Lagaga wada Arinsanayay Xaaladaha Caafimaad ee Cudur-dilaacyada Afrika oo Ka Dhacay Xarunta Qaramada Midobay Ku Leedahay Addis-ababa.

Addis-Ababa(CakaaraNews) Sabti Nov,30,2013.Waxaa lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis-abab Gaar ahaan Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Shir Heer Caalami ahaa oo Lagaga wada Muaaqashoonayay Xaaladaha Caafimaadka ee Dalalka Afrika gaarahaan Xakamaynta,Dabargoynta iyo Maamulida Cudur-dilaacyada ka jira Gudaha iyo Deriswadaaga Xuduudaha Dalalka iyadoona ay ka soo qaybgaleen ergooyin ka koobnaa ilaa 500 oo ka mid ahaa hay'adaha Hee Caalami Sida UN,SDCUSA,IGAD iyo Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka Dalalka Afrika.

Shirkan oo ah markii 5aad ee l Qabto loogu magac daray AFNET(africa field epidemilogy network) ayaa ay ujeedooyinkiisa ugu waawayn ahayd in wadar-ahaan la isku-waydaarsado afkaaraha, Daraasaadka,iskaashiga iyo heerarka Cudur-dilaacyada Faafa ee ka jiray Qaarada Afrika 5tii sano ee la soo dhaafay ayaa uu Furay wasiirka Wasaarada Caafimaadka DFI Mudane Dr Kesetebirhan Admasu ayaa uu ka warbixiyay faaiidada uu u leeyahay Gole-wadareedkan lagaga arinsanayo Cudur-dilaacyada Afrika sidii loo xakaayn lahaa iskaashi buuxana Wadamada xuduudaha lihi uga wada yeelan lahaayeen sidii uunan isugu gudbin lana kontaroolo wax kastoo ka sii xambaari kara Cudur-dilaacyada ka gudbi kara xuduuda.

Dr kesetebirhan intaa ku daray in Barnaamijka Caafimaad uu ku wajahan yahay Sidii kor loogu Qaad lahaa Heerka Aqooneed ee Dhakhaatiirta Afrika Bixinayana kafaala-qaadka Waxbarashadooda ilaa heer Master si Dhakhaatiirta Afrika ay ugu Takhasusaan Baadhitaanka,Xakamaynta,dabargoynta iyo Maaraynta Cudur-dilaacyada si loogaSuuliyo Gobolka oo uu fara ba'an ku hayaan Noocyada Cudurada Faafa ee ay ka midka yihiin Naafeeyaha (Polio),jadeecada,Qawracatada iwm gaar ahaana Xuduudaha.

Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ka mid ah Deegaanada ka faaiidaystay Barnaamijkan iyadoona ay waxbarashada Heerka Takhasuska Cudur- dilaacyada ee Masterka soo dhamaysteen 3 Qof oo Deegaanka u hashay halka 2ba Qofna ay wakhtixaadirkan ku jiraan waxbarasho,iyadoona uu Golahani isku raacay in DDSI laga Furo Xarunta Tababarada Baadhitaanka Cudurdilaacyada iyo Maamulka Degdega ah oo ay ka faaiidaysan doonaan Dalalka Derisku ka sakow Deegaanka iyo dalkaba ka dib markii Wasaaradacaafimaadka DDSI iyo Xukuumadaba lagu amaanay Shirkan skaashiga,Dabargaoynta iyo ka wada shaqaynta Cudurada faafa wadamada Deriska ah taasoo lagu amaanay DDSI Heerka Waxqabadka Fiican ee ay kula tacaalaan Cudur-dilaacyada iyo Xakamaynta isutalawga Xuduudaha.

Dhanka kale Waxaa ka dib Gole-wadareedkan ay Qaar ka mida Wadamada Afrika ku yeesheen Shir Gooni ah oo ay ku kulmeen Wasiirada wasaaradaha Caafimaadka dalalka Itoobiya, kenya, sudan, south-Sudan,Nayjeeriya iwm.

shirkan gaarka ah ayaa ay ueedadiisu ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa la iskanagana kaashan lahaa cudurdilaacyada cidhibtirkooda sida polioyada,jadeecada gaar ahaan Si aynan isaga talaabin xuduudaha.

Shirkan ay Dalalka Qaarkood Wasaaradahooda caafimaad Gooida u yeesheen ayaa uu Goobjoog ka ahaa wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Siciid isagoona ka soo jeediyay Heerka Warbixinta Waxqabadka ay Xukuumada DDSI ee ku wajahan Dabargoynta,Xakamaynta,Iskaashiga,Maamulida iyo ka wada-shaqaynta Cudurada faafa wadamada Deriska ah taasoo lagu amaanay DDSI Heerka Waxqabadka Fiican ee ay kula tacaalaan Cudur-dilaacyada iyo Xakamaynta isutalawga Xuduudaha.

Gole-Wadareedkan oo ay Casharada la xidhiidha Cudurada Faafa iyo Maarayntooda ayaa ay ka soo jeedinayeen warbixino iyo Daraasaad ay 5tii sano ee ugu danbaysay ku soo sameeyeen Dalalka Afrika Khuburo ku xeel-dheer Cudur-dilaacyada halkaasoo ay Wadamaduna ay Su'aalo iyo Fikradaba isku waydaarsanayeen. isku soo Wada Soohoo Shirkan Heer Caalami ayaa lagu soo Gunaanady Casho Sharaf loogu Sameeyay Hotel-Sheraton halkaasoo ay Madaxda iyo wasiirka wasaaraa Caafimaadka DFI ay dardaaran iyo Talooyin ay iskaga kaashan karaan Dalalka Afrika Cudurada Faafa iyo Talawgoodea Xuduudaha ka soo jeediyeen.