Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Dhismaha Isbitaalka Magaalada Fiiq oo 90%kiiba Maraya iyo Qalabkii Loogu Talogalay oo Ceegaagan bakhaarka Xafiiska.

Fiiq(cakaaraNews) Axad Dec 01,2013Magaalada Fiiq oo ay hore Dadweynuhu iyo bukaanku daryeelka caafimaad ka heli jireen Xarun Caafimaad ayaa Sanadkii 2003 T.I loo aqoonsaday In Hospital Buuxa laga dhigo maadaama aynan ku filnayn Adeegbixinta Rugta caafimaaka Baaxada shacabka Degmada Fiiq.

Sanadkii Xigay markii loo Diiwaangaliyay Isitaal buuxa Magaalada Fiiq ayaa uu sanadkii 2004 T.I Adeegii Caafimaad ee Bulshada iyo Noocyada Bukaanka uu si rasmi ah u bilaabay iyadoona ay Wakhtixaadirkan ka hawl-galaan 142 Shaqaale oo isugu jira Dhakhaatiir, Kalkaaliyayaal,Xirfadayaal Caafimaad iyo shaqaalaha Taakulaynta.

Xukuumada DDSI oo sanadihii ugu danbeeyay Culayska saartay Dhanka Horumarinta Gobolka Nogob gaar ahaan Magaalada Fiiq ayaa u Qorshaysay in Adeeg-bixinta Caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka Magaalada Fiiq kor loo Qaado ka sakow Dhismaha Isbitaalka wayn ee loogu talgalay Adeegbixinta Daryeelka Caafimaadka lagu kordhiyo Qalabaynta Qaybta Qaliinka iyo Qayba kaloo Muhiim ah iyadoona sida uu Sheegay Agaasinka Guud ee Isbitaalka magaalada Fiiq Mudane: Wali AxmedNuur in uu Dhismaha Wayn ee isbitaalka Fiiq uu gabaabsi yahay islamarkaana Dhamaanba qalabkii Caafimaad ee loogutalogalay Adeeg-bixinta Isbitaalka Cusub ay Tuuran yihiin Bakhaarka Wayn ee Xafiiska Caafimaadka.