Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Iskaashatooyinka Ka Faaiidaysanaya Barnaamijka Dibu-Dejinta Dolo-Bay oo Mahadiyay Shidaal Jaban oo Ay Soo Gaadhsiisay Wakaalada Dhismaha Iibka iyo Adeegyada Gaarka ah ee Booliska DDSI.

Dawlada Deganka Somalida Itoobiya Ayaa Sadexdii Sano Ee udanbaysay Natiijo fiican Ka keentay wax ka badalka Iyo Horumarinta Bulshada Xoolo Dhaqatada ah Isla-Markaana Udajisay jihooyin iyo Qorshayaal looga Faa`iidaynayo Khayraadka Dihin Ee Deegaanku Hodanka Ku yahay sida Wabiyada iyo Dooxooyinka Waxaana lagu Guulaystay in bulshada Xoolo Dhaqatada ah loo badalo xoolo Dhaqato-beeralay Si ay uga Faa`iidaystaan Wax-soosaarka Beeraha iyo Calafka xoolaha iyadoo Sidoo kalena Dawladu gaadhsiisay Adeegyada Aas aasiga uh Noloshoda Iyo Agabka Beeraha loo isticmaalo Sida Matoorada Waraabka iyo Abuuro Tayaysan.

Socdaalkii Nolol iyo Rajo Rumays Ee Madaxweynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud cumar Uu ku marayay Qaarka mida Gobolada DDSI Ayaa waxay iskaashatooyinka xoolo Dhaqato- beeralayda ka jira Gobolka Afdheer ka codsadeen in Shidaal Qiimo Jaban Lasoo gaadhsiiyo si uu waxsoosaarkooda Dhanka Beeruhu u noqdo mid midhadahala iyagoo Sheegay in qiimaha Shidaalku Uu qaali Kuyahay Wuxuuna Madaxweynuhu Ubalan Qaaday In Shidaalka loogu keeni doono Qiimaha Uu Jigjiga ka taagan yahay Wixii ka danbeeya Maalinta ay Codsiga soo gudbisteen.

Hadaba iyadoo laga Jawaabayo Codsiga Ay bulshadani Soo gudbisteen Ayaa Waxay Wakaalada Dhismaha IIbka iyo Adeega Gaarka ah Booliska DDSI Soo gaadhsiisay Degmada Doolo bay( 2)laba booyadood oo Shidaal ah oo siday 22kun Oo Liter kuwaasi oo loogu talo galay in bulshada Dajinta loosameeyay Ay ka Faa`iidaystaan kuna helaan Qiimo aad u jaban.

Hawl-Wadeenada ka Socday Wakaalada Dhismaha iibka iyo Adeegyada Gaarka ah ee Booliska DDSI ayaa Shabakada Wararka Ee Cakaaranews usheegay In Shidaalkani yahay mid ka jawaabaya Balan Qaadkii Madaxweynaha DDSI uu u sameeyay Qoysaska Dejinta loo sameeyay.

Wakaalada Dhismaha Iibka iyo Adeegyada gaarka ah Ee Booliska Dawlada deegaanka soomalida itoobiaya ayaa waxay Horay ugaadhsiiyeen Shidaalka noocani ah goobaha Dajinta Ee Degmooyinka Hoosyimaada Gobolada Shabeele iyo Afdheer