Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir Balaadhan oo Ay Xukuumada DDSI iyo Ugaaska Beesha Maalin-Guur(Ug.Axmed Y.habane) Qaban Qaabinayaan oo Ka Dhici Doona Degmada Goljano.

Jigjiga(CakaaraNews) isniin Dec 02,2013.Waxaa Dhawaan ka dhici doona Degmada Goljano gaar ahaan Tuulaada San-Xaskule shir balaadhan oo ay ku kulmi doonaan Dhamaan Qaybaha Beel-weynta Maalin-Guur oo uu Hormuud u yahay Ugaaskooda Ugaas Axmed Yuusuf habane oo sanadkanba wacyigalin iyo Abaabul Balaadhan ugu jiray sidii uu Aragtida,Maskaxda iyo Xoogooda ugu midayn lahaa ka qaybqaadashada Horumarka,N/galyada,maalgashiga iyo Maamulka Suuban.

Isku Soo wada Duuboo Shirweynahan ayaa ay wadajir u diyaarinayaan Xukuumada DDSI iyo Ugaaska Beesha Maalin-Guur Ugaas Axmed Yuusuf Habane.