Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maalinta Xuska Hidar 29 Ka Dib oo Ay Dhamaanba Madaxda DFI,Deegaanada,Safaaradaha iyo Noocyada kale ee martidu Booqashooyin ugu Bixi Doonaan Goobaha Horumarka iyo Aataarta Taariikhiga ah ee DDSI.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin Dec,02,2013:- Waxaynu wada ogsoonahay in Maalmo ka dib lagu wada Xusi Doono Munaasabada Heer qaran ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer Itoobiya Magaalada Jigjiga oo ay ka soo Qaybgali doonaan Madaxda ugu saraysa DFI,9ka Deegaan,Safaaradaha,dalaka Deriska ah,Qaybaha Bulshada Deegaanada iyo marti-sharaf kale.

Hadaba Booqashada Wufuuda ayaanan ku ekaani doonin kaliya Xuska maalinta Hidar 29 balse waxaa jiri doona Booqashooyin balaadhan oo ay Madaxda Dfi,9ka deegaan iyo martisharaftu ku booqan doonaan Meelo ka mida Gobolada iyo Deegmooyinka DDSI ee ay ka socdaan ama laga taabogaliyay Hormarka iyo goobha Taariikhiga ah ee uu Deegaanku Leeyahay.