Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudiga Qaban-Qaabada Xuska Hidar 29 iyo Xafiiska Qurbajoogta DDSI ayaa Maanta Casuumaad ugu Fidiyay Qunsulada iyo safiirada Hoos Ku qoran.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin Dec 02,2013.Shir balaadhan oo ay Saaka isugu yimaadeen Gudiga qaban-qaabada xuska Hidar 29,Xarunta Dhexe ee XDSHSI iyo xafiiska Qurbajoogta DDSI ayaa casuumaad Toos ah loogu Fidiyay Qaar ka mida Qunsulada iyo Safiirada DFI u Fadhiya Wadamada-Yurub, Maraykanka,Carabaha iyo Afrikaba kuwaasoo ay ka mid yihiin:-

1-Mudane Xabiib Muxumed Yuusuf Qunsulka DFI u Fadhiya Los-angeles

2-Mudane Xuseen Axmed Qunsulka DFI u adhiya Sweden 3-Mudane Shamsudiin Safiirka DFI u Fadhiya Kenya .

4-Maxamuud Dirir Safiirka DFI u fadhiya Masar iyo

5-Guuleed Qunsulka DFI u fadhiya Kenya.

Dhanka kale Waxaa ay jaaliyada iyo Shacabka DDSI ay si Toos ah u Codsadeen in Casuumaad Loo Fidiyo safiirada DFI u fadhiya Dubai Burhanu kabade iyo Masganew oo Fadhigiisu yahay Qadar gaar ahaan oo ah Mid ka mida safiirada Jaaiyaadka Gacan buuxda kala qaybqaadashada Hawlaha wacyigalinta,Abaabulka,Horumarka,N/galyada,Xidhiidhka iyo Fududaynta Arimaha ay safaarada uga baahdaan gaar ahaan jaaliyada Soomaalida Itoobiya ee Imaaraadka Carabta Gacan Buuxda ku siiyay Taageeradiisa dhanka Tirtirida Aragtida nabad-diidka,Ka qaybqaadashada Horumarka iyo Wabiga Abay,N/galyada,Aqoonsiga jaaliyadnimo iyo Xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay Soomaalida Itoobiya taasoo Booqashadii Madaxda ugu saraysa DFI,9ka Deegaan,Maalqabeenada Itoobiya iyo Qaybaha Bulshadu ku tageen Godey laga Sheegay ilaa Heerka qaranimo ee uu ku garab istaagay Jaaliyada DDSI ee Imaaraadka Carabta.iyadoona Casuumaada ay Shacabku ku Codsadeen Casuumaada safiir Burhanu Kabade iyo Misganaw ay Xukuumada DDSI aqbashay.

Dhanka kale Xafiiska Qurbajoogta DDSI ayaa ku Wargalinaya Dhamaanba Qurbajoogta,Guurtida Odayaasha,Ururada Dhalinyarada iyo Jaaliyaadka ku Dhaqan Dacalada Dunida in ay si la mida Xuska Hidar 29 ee ka dhici Doona Magaalada Jigjiga ugu Qabsadaan Wadamada ay Caalamka kaga Nool yihiin.

Isku soo wada Soohoo Kharashyada iyo qaabilaada Diplomaasiyiintan Casuumada loogu fidiyay ka soo qaybgalka Xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer Itoobiya ee markii 8aad ka Dhici Doona DDSI Gaar ahaan Caasimada Jigjiga ayaa ay dabooli Doonaan XDSHSI iyo Xukuumaduba.