Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaflad soo dhowayn Ah oo Ka Dhacday Melbourne

Melbourne(CakaaraNws):-Waxaa maalintii sabtidii 30/11/2013 magaalada Melbourne ee Australia ka dhacday xaflad si fiican loo soo agaasimay taasoo loo qabtay Mr Xassan Cabdi Faarah (Xassan Qoryooley) oo socdaal uu ku tagay Xarunta Dawlad-Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka soo laabtay gaar ahaan magaalada madaxda DDSI ee Jijiga. Mudane Xassan Cabdi Faarax ayaa wuxuu si qoto dheer uga warbixiyay arimaha nabadgalyada, horumarka iyo maamulka Suuban ee ka taabo galay Deegaanka Soomaalida sanadihii ugu danbeeyay ee uu Xilka qabtay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Gaar ahaan, waxbarashada,Biyaha,Wadooyinka,Isgaadhsiinta iyo caafimaadka.

Qoryooley ayaa Wuxuu si gaar ah uga hadlay maamulka suuban ee ka hana-qaaday Dawlada Deegaanka Soomalida ee Ethiopia. Ugu dambayntiina wuxuu talooyin iyo guubaabo u soo jeeediyay Dhamaanba Qurbajoogta iyo Jahliyada DDSI ee ku dhaqan in ay Xudun u noqdaan Xukuumada DDSI iyo Maalgashiga. Waxaa iyana madasha shirka ka hadlay Cali Hawyahan iyo Hamdi oo kamid ahaa Gudiga soo qabanqaabiyay Munaasabadan Warbixinta waxqabadka Xukuumada lagu dhagaysanayay. Waxaayna ka warbixiyeen Waxqabadka Jaaliyada iyo. Waxaa iyana si guubaabo ku jirto uga hadashay Xaawo Xaaji oo aad looga yaqaano magaalada Melbourne ee Australia.

Dhanka kale waxaa si Qotodheer u Qaadaadhigay Isbedelada xawliga ah ee ay Xukuumada DDSI ka taabogalisay Deegaanka 3dii sano ee ugu danbaysay Socdaaladii Madaxweynaha uu ku soo maray 5ta Qaaradood,Isbedelada Nololeed iyo Kobaca Dhaqaale ee Bulshada Fursadaha Shaqada loogu Abuurayo Qoysaska Danyarta ah iyo Barnaamijka Qoysaska lagu Dejiayo Wabiyada iyo Dooxooyinka Mudane Yuusuf Suldaan Muxumed Haybe.