Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Dhakhtar Ku Soo Takhasusay Qaliinka iyo Dawaynta Indhaha oo Qaliin iyo Dawayn Waayadanba Ka Waday Isbitaalka Magaalada Fiiq.

Fiiq(CakaaraNews) Arbaco Dec 4,2013.Waxaa Hubaala in ka dib Nidaamkii Dimoqraadiyadeed ee Sugay Dhamaanba Xuquuqaha dastuuriga ah ee Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer Itoobiya kana Dhashay Halgankii EPRDF in Deegaanka Soomaalida Itoobiya uu Noqday Mid ka faaiidaysta Fursadah Dastuuriga ah iyo Horumarinta Arliga Soomaalida Itoobiya Degto oo Ka Hor Neecawda Dimoqraadiyadeed ahaa mid a aradan Dhamaanba Adeegyada aasaasiga u ah Nolosha iyo Daryeelka Bulshadaba.

Walow aynan Xukuumadihii Tirada badnaa ee ka horeeyay tan maanta Hogaanka Midho-dhalka ah haysa aynan Sidii la rabay Shacabka uga Bogsiin Diiftii,Dibudhicii iyo Rafaadkii Nololeed ee ay ka dhaxleen Talisyadii Dhiigmiiradka ahaa,Balse waxaa ilaahay uu Toobada waajibaadka iyo ka jawaabista Baahiyaha Shacabka Deegaanka Haleelsiiyay Xukuumada Maanta oo wax aan ka badnayn 3sano ku harqisay Shacabweynaha iyo Magaalooyinkaba in ay Baylahdii Jirtay Dhinac kastaba ugu Badasho Horumar Baaxad wayn,Xasilooni iyo amni lagu waaro,Maamul Suuban oo hanta ka midho-dhalinta Baahida iyo Adeega Shacabka korna u Qaada hirgalinta Adeegyada aasaasiga ah iyo Kaabayaasha Dhaqaale. Xukuumada Maanta ayaa Culayska saartay in ay Deegaanka ka Hirgaliso Dhamaanba Adeegyada aasaasiga ah iyo Kaabayaasha Dhaqaalaba Sida waxbarashada,Caafimaadka,Helida Biyo nadiif ah,isgaadhsiinta,Wadooyinka iyo Dhanka Beeraha iyo Qodaalka Casriga ah.

Waxaynu wada ogsoonahay in Deegaankeena isbedelka Dimoqraadiyadeed ka hor in aynan ka jirin Dugsiyo Sare Marka laga Reebo Jigjiga oo ay Caruurta Dhergigii Dhigan jireen iyo isbitaalo ama Goobo caafimaad iska daa in laga helo Deegaanka Soomaalida Itoobiya Aqoonyahan iyo Dhakaatiir u dhashay oo Hanan kara Fulinta Adeegyada Waxbarasho iyo Caafimaade waana ta Bilowgiiba ay Xukuumadu Qorshayaasha ugu waawayn uga Dhigatay Sidii loo Dabooli lahaa Gap-ka Dibudhaceed ee ka jiray Heerka Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Waxaan la iska indhosaabi karin in ay Xukuumadu kaga Dhabaysay Taabogalinta Qorshayaashii Horumarineed iyo Himilooyinkii Adeega Shacabka wakhtixaadirkana ay Dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka mid kastaa ka jiraan waxbarasho ilaa Dugsi sare ah iyo Barayaal u dashay Deegaanka sidoo kala ay ka jiraan Isbitaalo,Xarumo caafimaad iyo Dhakhaatiir iyo xirfadlayaal takhasus u leh.Sidoo kale waxaa DDSI ka jira Jaamacad Wayn,8-kuliyadood oo lagu barto Culuunta kala duduwan ee Takhasusyada Noocyadiisa kala duduwan.

Hadaba bal yuunan hadalku inala sii Durkine aynu dib ugu soo Noqono Nuxurka Qoraalkeenii oo ahaa Dhakhaatiir u Dhalatay DDSI oo ku soo Takhasustay Daawaynta iyo Qaliinka INDHAHA oo Markii 1aad olole lagu Dabiibayo Indhaha ka soo Fuliyay Degmada Fiiq. DR C/casiis Ibrahim oo hore Wasiir-kuxigeen uga ahaa CaafimaadkaDDSI ayaa 5sano kaga Maqnaa Deegaanka Waxbarasho la xidhiidhay Takhasuska Qaliinka Indhaha iyo Daawaynta waana Dhakhtarkii ugu Horeeyay Deegaanka ee ku soo takhasusay Indhaha isagoona Dhakhtarkii Hogaaminayay kooxda Hawl-wadeenada Caafimaad ahaa ee Isbitaalka Degmada Fiiq ku soo gabagabeeyay Dabiibka Indhaha kuwaasoo Qaliin ugu soo sameeyay Dhaayahooda 350 Qof halka ay ku soo daweeyeen 250 Qof iyadoona ay dad ka badan 180 Qof ay siiyeen ama u Galiyeen Xoqado Ama Ookiyaale Hadba kaa u taqaan Waa Sida uu noo Xaqiijiyaye Dr C/casiis IBraahin mar aanu la kulanay.

Dr C/casiis ayaa Sheegay in Barnaamijkan Fulintiisa ay Xukuumada DDSI lahayd islamarkaana ay Xukuumadu u soo Dmaystirtay Dhamaanba Qalabka,Dawadii,Baabuurtii,Shidaalkii iyo Xogadaha Indhaba ay u soo Taam yeshay xiligii la fulinayayna aynan wax Caqab ah ama Qalab yaraana kala Kulmin. Dr C/casiis ayaa intaa ku daray in ay Booqasho ay ugu kuurgalayeen Xaalada Caafimaadka INdhaha Dugsiga Agoonta ah ee ku yaala Magaalada Fiiq Muraayadaha Indhaha Ee Ka Caawinaya Aragtida Lagu Siiyey Ka Mid Ahaa Ardayda Ku Xereysan Dugsiga Hoyga Agoonta Ee Magaalada Fiiq/ Dhanka kale Waxaa markii la soo Gunaanaday ololahan Caafimaadka Indhaha ee ka socday isbitaalka Magaalada Fiiq Ka Hadley Isku -uwaha Ololahani Balaadhan Ee Gobolka NOGOB Dr.C/Laahi Giire Isagoo Sheegay In Ololahani Uu Si Fican Loo Fuliyey Maamulada iyo Shacabkuna Gacan ka siiyeen. Waxaa Iyaduna Ka Hadashay Marwo : Ubax Mursal Axmed Oo Ah Mareeyaha Dugsiga Hoyga Agoonta Ee Magaaada Fiiq Iyadoo Sheegtay In Faiidada Ololahan Soo Gaadhay Ardaydani Dugsiga Hoyga Agoonta Ku Xareysan Ay Aad U Soo Dhaweynayaan Islamarkana Uu Yahay Mid Loo Baahnaa Iyadoona Ay Jiraan Arday Qaba Xanuunada Indhaha ku dhaca sida Tarakoomada Oo Iyagu U Baahan Muraayadaha Soo Dhawaanshaha Iyo Fogaan Araga Taasina Ay Noqotay Mid Ay Fursad U Heleen Ardayda Lagu Siiyey Murayadahaasi Islamarkaana La Daweyey Ardayda Kale Ee U Baahnayd Daaweynta Dhinaca Indhaha.

Isku Soo Wada Soohoo Ka Sakow hacabka degmooyinka iyo Gobolada loogu Tagay Qaliinka iyo Dawaynta Indhaha waxaa iyaguna Baahi wayn u qabay Shacabka ku Dhaqan Jigjiga oo la cadilnaan jiray la'aanta Dhakhtar Indho Balse Dr C/casiis ayaa Dhawr Bilood ka hor uga Fuay Dhakhtar Lagu Dabiibo Indhaha oo ay Dhamaanba Qalabkii looga baahnaa u dhamaystiran yihiin.