Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudomiyaha Degmada Jarati o Khadka Telefonka Nagula Soo Xidhiidhay.

Jarati(CakaaraNews) Khamiis Dec 05,2013.Waxaa khadka telefonka Telefnka Nagula Soo xidhiidhay Gudoomiyaha Degmada Jarati Mudane Cabdi Saadaale oo u Hambalyeeyay Dhamaanba Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya ee Magaalada Jigjiga u yimid ka Qaybgalka Xuska Maainta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya Hidar 29.

Mudane Saadaale ayaa Xukuumada DDSI aad ugaga Mahadnaqay Sida Qaranimada leh ee ay iskaga xilsaartay Diyaargarawga iyo Soo Dhawaynta Wufuuda ka soo qaybgalaysa Hidar 29 ee ay Bilihii la soo dhaafay Hadh iyo habeenba u taagnaaayeen Taasooy Guud ahaanba Shacabka Degmada Jarati u Riyaqeen kuna Farxeen. Gudoomiyaha ayaa Tibaaxay in Degmada Jarati si la mid ah ay Iyaguna ugu qabanayaan Magaalada oo ay si wyn ugu Diyaargaroobeen..

Mudane Saadaale oo hadalka sii wata ayaa CarabaabayIn Maalka Degmada Jarati iyo Shacabka oo Gacmaha ishaysta ay Guul ka gaadheen Sugida Amniga Iyo Horumarkaba islamarkaana ay Degmadu Heshay Isticmaalka Aalada Casriga ah ee Mobileka. Dibudejinta Qoysaska Ayaa si weyn looga Hirgaliyay ayaa uu ku soo gabagabeeyay