Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Fanaanadii Qarniga Nimco-Wadani(Dareen) oo Ka Soo Degtay Bole-Airport Addis-ababa.

Addis-ababa(CakaaraNews) Dec 05,2013. Waxaa Hubaala in aynu Nimco-Wadani(Dareen) ku wada Xasuusan karno Socdaaadii Dhaadheeraa ee ay Qaar ka mida Gobolada Deegaanka ku soo martay Sida UBBO-Quusis iyo Socdaalkii jarar kana Qaadanaysay Door aad u xiiso badnaa oo ay ku Guubaabinaysay Dhamaanba Qaybaha Shacabka ka Qaybqaadashada Horumarka iyo Ku Gacan siinta Wiilashooda halyeeyada Geesiyiinta ah ee Waysada u Dhaansaday dabargoynta Qawlaysatadii Duur-joogta ahayd UBBO ee ay Daqiiqimaha ka Dhigeen kana dabar-jareen Guud ahaan gayiga Soomaalida Itoobiya.

Hadaba waxaa ay Nimco-wadani oo ka soo Duushay Xalay Dubai Si Fiicana Loogu Soo Dhaweeyay Bole Internationl Airport ayaa Maalmaha Fooda Inagu soo haysa ku soo fool leedahay Magaalada Jigjiga si ay Xuska Hidar 29 uga Qaybqaadato iyadona salaan kal iyo laaba Hawada ugu soo Dirtay Xukuumada,Qaybaha Shcabka iyo Kooxda Liyuu-Band oo Ka Mida Ruuxdayda ayay Tidhi.