Madxweynaha DDSI,Kuxigeenada iyo Capinetka oo Maanta Kaga Hortagay wajaale wafti uu Hogaaminayay madaxwaynaha Somali-land.

Jigjiga(CakaaraNews) sabti Dec07,2013.Waxaa ay maanta kaga Hortageen Wajaale madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay Wehelinayeen madaxwayne-kuxigeenada Hogaanka N/galyada iyo Wasiirka H/guud Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay madaxwaynaha Somali Land Mdane Axmed maxaed Siilaanyo.

Labada-madaxwayne iyo masuuliyiinta labada Dhinac ayaa isku gacanqaaday Xadka labada dal oo ah Wajaale kadib loo Soo gadhqaaday Dhanka Magaalada Jigjiga oo ah halka uu Socdaalka Waftiga Siilaanyo Ku jihaysnaa.

Waftigan S/l oo ay Ku Wehelinayeen Wasiiro Badan ayaa Dhulka soo maray ayaa u Yimid Sidii ay uga Qaybgali lahaayeen Xuska 8aad ee Hidar 29 oo Maalinta Berito ah S weyn looga Xusi Doono Magaalada Jigjiga.