Kooxaha Hidaha iyo Dhaqamada ee Dhamaan Qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya oo Ciyaar-dhaqameedkooda Ku Soo Wada Bandhigay Isgoyska Taalada Sayid Maxamed Cabdule Xasan.

Jijiga (cakaarNews) Iyada oo ay maalinta barito ah siwayn loogu wada dabaal-dagi doono xuska 8aad ee maalinta Midnimada-qoowmiyadaha iyo Walaalnimada Shucuubta Itoobiya Fagaaruhuna Yahay garoonka Kubada cagta ee Magaalaada Jigjiga ay dhamaan qoomiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya oo ah in ka daban 85-Qowmiyadood oo ku dhaqan 9ka dawlad deegaan iyo 2da ismaamul magaalo ay maanta ku sugan yihiin jigjiga ayaa waxa saaka aroortii dhamaan kooxaha hidaha iyo dhaqanka ee qoowmiyaduhu yimaadeen isgoyska wayn ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan halkaasi oo ay deegaan kastaa ku soo bandhigay ciyaaraha dhaqanka ee ay gaarka u leeyihiin ee ay ugu talogaleen munaasabada iyo maamuuska halgankii iyo taariikhdii Sayid maxamed cabdule xasan.

Munaasabadan ay Dhamaanba Qowmiyadaha iyo Shucuubta kala duduwan ee Itoobiya ay Taashka Sharafeed ugaga Dhigeen Maamuuska iyo Qadarinta Sharafeed ee uu Mudan Yahay Geesigii Afrika Sayid Maxamed Cabdule Xasan ayaa Shacabweynaha Magaalada Jigjigaana Buuxdhaafiyeen Hareeraha Laamiyada islamarkaana Mashxarad iyo Alalaas ku Taakulaynayeen Qowmiyadahan kala Jaadkaah ee Ciyaar-dhaqameedkooda ku shrfay Xasuusta Taariikhda Maduugaanka ah ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan ku leeyahay Dalka Itobiya oo uu u Dhashay.

Intaas ka dib waxay kooxahan ciyaaraha iyo hidaha iyo dhaqanka ee qoomiyadaha kala duwan ee dalku ciyaaro dhaqameedkooda ku soo bandhigeen isgayska wayn ee SMCX waxayna dadwaynuhu siwayn ugu bogeen dhaqamada kala duwan ee saaka loogu soo bandhigay madashaasi, kuwaas oo ay inka badan 85 qoomiyadood ku soo dhandhigayeen mid waliba ciyaaraha dhaqameedka u gaarka ah.

Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa Isaguna hadal kooban oo Nuxurka Dhaqan-wadaaga, Istixgalinta, Isjacaylka, Taariikhda Halgankii SMCX iyo Ahmiyada balaadhan ee Xuska Hidar 29 ka soo jeediyay una mahadceliyay Qowmiyadaha Munaasabadan ku Maamuusay SMCX Ciyaar-Dhaqameedkooda.

Kooxda Banboyda Qaranka ayaa Iyaguna Qayb wayn ka Qaadanyay Munaasabad-Qarameedkan lagu Maamuusayay Xasuusta Halyygii Daraawiisheed SMCX.