Lagu Wada Kulan Xuskii 8aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta DFI oo Maanta Si Qarameed Loogu Wada Maqsuuday oo Maanta Ka Dhacay Fagaaaha Garoonka Kubada Cagta.

Jigjiga(CakaaraNews) Axad Dec08,2013.Waxaa Maanta Si aan la Qiyaasi karin Shucuurteeda Uga Dhacay garoonka Kubada Cagta ee magaalada Jigjiga Xuskii 8aad ee Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo Sinaanta Walaalnimo ee Shucuubta Dalka Itoobiya(Hidar 29).

Munaasabaan ayaa a Ka Soo Qaybgaleen Dhanka DFI raysal-wasaaraha DFI Mudane Haile-mariam Desalegn,Afhayeenka Aqalka Shacabka DFI Mudane Abadula Gamade,Afhayeenka Aqalka-Federationka Mudane Kase T/burhan, Madaxwey-nayaasha 9ka Deegaan, Afhayeenada Baarlamaanka 9ka Deegaan,Madaxda Ciidamada Qaranka,Wasiiro Heer Federal ah iyo Qaybaha Dhanka Dhamaana 85ka Qowmiyadood ee Ku Midoobay Midnimo-isjacayl ku wada Wadaagida Xeedhada Dhextaal oo ah DFI.

Dhanka Dawladaha Igad Waxaa Ka soo Qaybgalay Madaxweynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele,Afhayeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Mudane Juus,Wafti ka socday Koonfurta Sudan,Wasiirka Wasaarada warfaafinta DFS Mudane C/laahi Ciilmooge Afhayenka Baarlamaanka dawlada Rwanda marwo,Madxweynaha Puntland Mudane Maxamed Faroole,Madaxweynaha Jubaland Mudane Sheekh Axmed Madoobe,Madaxweynaha Somali-Land Mudane Axmed Siilaanyo.

Dhanka Beesha Caalamka Waxaa ka soo Qaybgalay Ururka Midowga Yurub,QM,Midowga Afrika,Safaarado iyo Diplomaasiyiin Kale.

Xuskan oo hal ku dhig looga dhigay dastuurkeenu waa gundhiga dib u curashadeena, nidaamkeenu fadaraalku waa aas aaska wada noolaanshaheena iyo midnimadeena , dastuurkeenu waa isha mid nimadeena isku dulqaadashadu waa xoojinta dumuqoradiyada, dastuurkeena ayaa sinaanshaha diimaha iyo qoomiyadaha dardaarankii malas waxaan  u gudbinayna jiilka soo socda iyo waliba irayo kale oo muhuum ah.Waxaana munaasabadan qaaliga ah ugu horaytii ka hadlay majirka magaalada jigjiga mudane c/risaaq saxane oo hadalo mahad naq ah iyo soo dhawayn ah ka soo jeediyay madashaasi .

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayn raysal-wasaaraha DFI,Afhayeenada labada Aqal ee DFI,Madxweynaha jabuuti,Wakiilada iyo Madaxda Dalalka Igad.

Beesha Caalamka,Diplomaasiyiinta Safaaradaha,Madaxweynayaasha Deegaanada iyo Dhamaanba Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer-Itoobiya ee ka Soo Qaybgashay Munaasabadan Salaan Kaliyo Laaba u Gudbiyay Ugana Mahadceliyay ka sooqaybgalka Munaasabadan Waajibka Qarameed ah.

Madaxweynaha ayaa Si Xeeldheer ugaga faalooday Sooyaalkii Taariikheed ee uu Deegaanku Soo maray,Fursadihii Dimoqraadiyadeed ee ay ka heleen Shacabka Soomaalida Itoobiya Dhaxalka Dastuurka ka Askumay Halgankii Qadhaadhaa ee ay EPRDF Xukunka kaga Tuureen kaligii-Taliskii Faashiistiga ahaa ee Mingistu iyadoona uu Madaxweynuhu ka soo Jeediyay Khudbad taariikhi ah oo Ka soo Duxday Isbarbardhiga Farqiga u Dhaxeeya Itoobiyadii Shalay ee Shuuciga,Dhiig-miiradka iyo Gumaadka Cadaadiska Dibu-dhaceed Huwanaa iyo Iftiinka Dimoqraadiyadeed ee ka Curtay halgankii EPRDF Yididiilada lagu Hilmaamay Diiftii Shalay.

Sidoo Kale Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka warbixiay dadaalkii dheeraa ee looGalay Sugida Amniga Deegaanka oo ay Jalaafo ku ahaayeen Duulkii Awrkiraalayaasha u ahaa Asmara UBBO Dal iyo Dibadna laga Suuliyay.

Munaasabadan ayaa Si aan La Filayn loo soo Agaasimay iyadoona ay tahay markii ugu horaysay ee Martidii ugu badnayd tan iyo intii Dalka lagu xusay ay ka soo qaybgalaan taasoo ay ka marag kaceen Dhamaanba Madaxda DFI ugu saraysa uguna Horeeyo Raysal-wasaare haile Maram oo Uagaga mahadceliyay Xukuumada DDSI iyo Shacabkeedu Sida Qarameed,hawl-karnimada leh ee ay uga soo Dhalaaleen u Diyaargaawgii Xuskan Maalinta Hidar 29.

Raysalwasaaraha ayaa Qiray isbedelada Xawliga ah ee Mudo yar ay ku talaabsatay Xukuumada DDSI,Dhaqanka iyo Taariikhda Wanaagsan ee Shacabka Deegaanka, Doorka Soomaalida Itoobiya ay ka Qaadato Qorshayaasha HeerQaran iyo Sida Muga wayn ee ay Maanta Walaalahooda ka kooban 85ka Qowmiyadood ugu Hagar baxeen Taasooy Shacabka iyo Xukuumada DDSI ay ku Muujiyeen Itoobiyaanimadooda.

Madaxwaynaha Dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa Khudbad Afsoomaali ah Ka Soo Jeediyay Xukuumada DDSI iyo Shacabkeedana ugu Hambalyeeyay isbedelada Soo jiitay Indhaha Caalamka ee ay Mudo yar ku talaabsadeen Isagoona Caarabaaby In Dawladiisa iyo Shacabka Reer Jabuutiba in ay Deegaanka Soomaalida Itoobiya Garab taagan yihiin.

Afhayeenka Baarlamaanka Kenya iyo Afhayeenka Baarlamaanka Dalka Ruwanda ayaa iyaguna Ka soo Gudiyay Fariimo iyo Salaamo ay uga Wadeen Raysalwasaraha iyo Madaxweynaha DDSI iyo Xukuumadiisa Madaxwaynayaasha labada Dal Sidoo kalana ka warbixiyay Yididiilada DDSI ee Gobolka iyo Iskaashiga.Sidoo kale waxaa ka hadashay Ergayga ka socotay Midowga Yurub oo Dhambaal Dhankasta Duxayay ka soo Jeedisay.

Waxaa Xusid Mudnayd in ay Ubaxa Ardayda DDSI ay Maanta Wacdaro-Mehrajaan ka Dhigeen Barxada Wayn ee Garoonka iyo Ka soo Horjeedka Tarabuunka Kore halkaasna ku soo bandhigeen Ciyaaro kala jaad-jaad ah oo ay Xataa Xidigta Minimada Astaanka Xidigta calanka DFI Muuqaalkeeda u eg ay Ku soo bandhigeen halka ardayda Korka saaarnayd ay hadba Sawiro ka turjimaya Qowmiyadaha,Horumarka,Injineerkii Meles ku soo bandhigayeen.Halka lagu soo Bandhigay Munaasabadan Maanta Gorofkii Ugu aynaa Abid oo Qasabado lagu xidhay Caano-Geelna ka Qulqulayaan.

Khudbadihii oo Dhamaystiran iyo Abaalmarinadii la bixiyayba Dib ayaanu idiinka soo Qori doonaa iyadoona Sanadka danbe Deegaanka Benishangul loo doortay Xuska 9aad in uu ka dhaco