Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Raysal-wasaaraha DFI oo Munaasabadii Ka Dib xadhiga ka Jaray Isbitaalka Caalamiga ah Ee Loogu Xudun Xidhay Meles-Senawi(Meles Zenawi Memorial Hospital)

Raysalwasaaraha DFI Mudane haile-mariam Desalegn oo Munaasabadii Ka dib wehelinaayaan Dhamaanba Madaxweynayaasha 9ka Deegaan,Afhayeenada Labada Aqal ee DFI,Madaxweynayaasha iyo Madaxda Igad ayaa ay Wadajir xadhiga uga jareen Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

Xadhig Jarkii ka dib ayaa ay Waftigu Gudaha u sii galeen Isbitaalka oo Si casri ah loo dhisay loona Qalabeeyay iyadoona ay Sharax ka siinayeen M/kuxigeenka ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan iyo Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Mudane C/fataax Siciid una faahfaahiyeen Dhamaanba qaybaha uu ka kooban yahay Hospitalku Taasooy Wufuudu si aan Caadi ahayn ugu Riyaaqeen.

Isbitaalkan ayaa ka mid ah Mashaariicaha ugu waawayn ee Guud ahaan Dalka Itoobiya laga hirgaliyay islamarkaana ah isbitaalka Bariga Afrika ugu wayn iyadoona la Rajaynao in Iska Daa Dalkee uu kafeeyo Wadamada Deriska ah Noqon Doonana Xarun Caafimaadka Gobol.