Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabad Balaadhan oo Aan Loo Kala Hadhin oo Lagu Xusay Hidar 29 ayaa Ka Dhacday MN.

Xafladan oo ay soo abaabuleen jaaliyada kunool gobolka MN ee ka soojeda ddsi qeybaheda kaladuwan sida guurtida odayaasha,xubnaha firfircoon ee jaaliyada,ururka wadaniyiinta ah ee sedyo ayaanan ukala ha hadhin abaabulka iyo diyaarinta sidii ay uga dhici laheyd gobolka MN.

Xafladan oo kadhacdey hoolka shirarka ee safari-holl ayaa aheyd xaflad taariikhi ah oo baal dahaba kagashey taariikhda wadanka ethiopia ay ku leedahey ddsi taasoo ah guul lagu faani karo oo kamida guulaha waaweyn ee uu soo hooyey Deegaanka iyo shacabkaba dadaalka madaxweynaha daacada, kartida, isxilqaamka, cadaalada, sinaanta iyo wada noolanshaha dhabta ah ay kago'antahey caana ku ah inuu hadh iyo habeenba u'adeego shacabka ddsi ee uu hogaanka uhayo.

Waxaana marag madoon ah iney isbadal xawli ah ay ku talaabsatey ddsi Intiiuu Madaxwaynuhu xilka hayay oo uu kaga dhabeeyey madaxweyne abdi Mohamud omar balantii iyo xilkii uu qaadey oo ahaa inuu waxkabadalo noloshii xumeyd iyo hagardamoyinkii lafalgaley shacab weynaha kunool deegaanka somalida ethiopia.

Tan iyo markii uu xilka qabtey madaxweyne Abdi mohamud omar ayaa maalinba maalinta kadanbeysa ay bog cusub ufurmeysaa shabka kasoo jeeda deganka somalida ethiopia oo ahaa shacab ku kala firirsan aduunka dacaladiisa oo aanan wax war ah iska heynin oo ayna qaarkood aqoonin meel ay aduunka kaleyihiin.

Waxaana aynu maanta aragnaa isbadalka xawliga ah ee ay ku talaabsatey xukuumada ddsi ka dib hogaan Cadaaladeed oo Horumar,Xidhiidh Ku soo sameeyay Dhamaanba Dalkaiyo Gudahaba una guntaday In Deegaanka Soomaalida uu Kobacdhaqaale Gaadho shacabkuna ka xoroobaan Gaajada iyo Cuntoyarida. Hadaba hadii aan usoo noqdo dulucdii aan uga danlahaa ayaa aheyd in uu madaxweyne abdi mohamud hogaamintiisa lagu diirsadey oo ay abuurmeen dad aan awal aqoonin dhulkii ay isir ahaanta ulahayeen oo ay dhibaato dad samee ah kaga carareen in ay dib ugu soo noqdaan maanta laga xusey meelo badan oo aduunka dacaldiisa ah Oo ay dhacdey wax aan kadhicin ethiopia inteeda kale oo ah iney xuska qowmiyadaha ethiopia laga xusin meel kabaxsan wadanka gudihiisa oo ay qowmiyada somalidu noqotey qowmiyadii ugu horeysey ee kaxusta dibada xuska qowmiyadaha ee wadanka ethiopia .

Gobolka MN oo lagu qabtey xuska 8aad ee qowmiyadaha wadanka ethiopia oo ay qowmiyada somalidu kadhigtey ayaa ah taagero iyo garab istaag ay shacabka kunool minnesota iyo nawaaxigiisu lagarab taaganyihiin Xukuumda DDSI sidoo kalana Ciidamada Geesiyiinta Sugay Amniga Liyuupolice. Waxaa Xusid Mudan in ay aad u Tirobadnaayeen Dadka ka soo Qaybgalay Munaasabada MN kuwaasoo ka Koobnaa Guurtida Odayaasha, Jaaliyada, Sedyo,waxgaradka,Aqoonyahanka iyo Marti-sharaf kale iyagoona dadkii ka hadlay Dhamaantood ka warbixiyeen Heerka Waxqabadka Deegaanku taagan yahay Farqiga u dhaxeeya Itoobiyadii Shalay iyo Itoobiyada Maanta iyo In Indhaha Caalamku hayaan Jigjiga oo ay Xuskii Hidar 29 ee lagu Qabtay ka soo Qaybgaleen Madaxwaynayaal Gobolada Igad,Beesha Caalamka,Safaaradaha oo ka koobnaa 145,iyadoona ay Dhamaantood ka marag kaceen Wadaniyada,Cadaalada iyo Waxqabadka uu u Guntaday Madaxwayne CMC.

Waxaa kale oo shirka wacdaro kadhigey qeybta fanka ee Sedyo-band oo uu kamid ahaa abwaan kaldeeq dahir yusuf,fanaan mohamed Ibrahin jabuuti (wadani),Fanaanka anasyare Fanaan abdi-fathi sheekh daahir,Fanaan caydaruus maqadin,Fanaanada dadayer ee Rodo eybdiid Fanaan sahro omar dhuule,Fanaan Abdirashiid killer,Fanaanada qarniga ee sahro siyad oo had iyo jeer abaabul xoogleh kageysata hawlaha loo qabanayo ddsi ee kadhaca MN