Gudoomiyaha Degmada Jarati iyo Capinetkiisa oo Hambalyeeyayna Munaasabada Xuska Taariikhiga ah ee Markii 1aad Abid Ka Dhacda Jigjiga Dhankoodana u Dabaal-Degeen Shalay.

Jarati(CakaaraNews)Horumarka balaadhan ee Dhanka Isgaadhsiinta laga gaadhay ayaa Suurtogaliyaye Waxaa Khadka Telefoonka Goor Dhawayd Nagula soo xidhiidhay Gudoomiyaha Degmada Jarati Mudane Cabdi Saadaale isagoo afka Golaha Fulintiisa ku hadlaya ayaa uu u Hambalyeeyay Xukuumada DDSI Sidii Qaranimadaiyo Xilkasnimada Wadaniyadeed ee ay Isaga Xilsaartay In Jigjiga lagu Qabto Munaasabadii ugu waynayd abid ee lagu Xuso Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Hidar 29 ee Ka Dhacda Dalka Kana soo Wada Qaybgalaan Urur-goboleedka Igad,Safaaradaha iyo Beesha Caalamka.

Mudane Cabdi Saadaale ayaa Tibaaxay in Munaasabadii Dabaal-dega Maalinta Hidar 29 ee ka Dhacday Shalay ay Ahayd Tii ugu waynayd Abid ee Ka Dhacada Dalka Itoobiya Astaana u ahayd Heerka Isbedelada iyo Kobaca Deegaanka ee ay Xukuumada oo kaashanaysa Shacabkeedu Hiigsanayso Mustaqbalka waana mida sababtay In Lagu soo Qamaamo DDSI lagana wada markhaati kaco Isbedelada Xawliga ah ee ay Xukuumada DDSI Mudo yar ku talaabsatay.

Gudoomiyaha ayaa ku soo Gabagabeeyay Hadalkiisii in Degmada Jarati ay iyaguna Shalay Guteen Doorkii aga aadanaa Xuska maalinta Qiimaha Wayn ku fadhida ee Hidar 29 xataa Geel u Qaleen Qadarinta Maalintan.