Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gudoomiyaha Degmada Shilaabo iyo Golihiisa Capietka oo Bogaadiyay wacdarihii Taariikhiga ahaa ee Ay Ku soo Gabagabowday Munaasabadii Hidar 29 ee Ka Dhacday Jigjiga.

Shilabo(CakaaraNews) Talaado Dec-10,2013.Waxaa Maanta khada Telefoonka nagula soo Xidhiidhay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Shilaabo Mudane C/wahaab Maxamed Shukri Xili uu Shir balaadhan kula Jiray Dhamaan Golihiisa Fulinta,Gudiyadii Qaban-qaabada Xuska ka hawlgalayay iyo Dhamaanba Masuuliyiinka Qaab-dhismeedyada maamulka Degmada.

Mudane C/wahaab ayaa Noo sheegay in Dhamaan Qaab-dhismeedyada Dawladeed ee Shilaabo iyo Qaybaha Shacabkaba isagoo Codkooda ku hadlaya ay Hambalyo iyo Bogaadin u soo dirayaan Xukuumada DDSI ee uu Hogaanka u Hayo Madaxwayne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Sidii hagar la'aaneed ee Qaranimadu ku ladhnayd ee ay Uga soo dhalaaleen in ay Caasimada Deegaankeena ay ka dhacdo Munaasabdii Xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer Itoobiya ee ugu balaadhnayd uguna Marti Badnayd Dalka iyo Dibadaba.

Gudoomiyaha ayaa yidhi waxaanu si kal iyo Laaba Dareenkayaga ugu muujinaynaa in aanu ka maqsuudnay Heerka iyo Isbedelada Horumar,N/galyo,Maamul-suuban,Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee aynu ku talaabsanay 3dii Sano ee uu Hogaanka Inoo hayay Madaxwayne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Dhexda u Xidhay in uu Nolol ahaan iyo Umad ahaanba kor soo Qaado Jiritaankooda Hadh iyo Habeena u Taagnaa Midhaheediina Waa tan maanta ay Dhamaanba Soomaalida Itoobiya Ku tanaaday ee Caalamka Looga wada yimid ayuu yidhi.

Mudane C/wahaab ayaa intaa ku daray in ay Bogaadinayaan Gudiyadii ka soo shaqeeyay qabsoomida Munaasabada Xuska 8aad ee Hidar 29,Ciidamada Booliska Gaar ah ee Sugay Amaanka lagu laday iyo Macalimiintii Gacanta wayn ka gaystay Tababrida Ubaxa Ardayda ee Bandhiga iyo Damaashaadka Cajiibka ah ka Muujiyay xafladii Xuska Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya.

Gudoomiyaha ayaa Tibaaxay in Degmo ahaan Dhankoodana ay u Dabaal-dageen Xuska 8aad ee maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dhamaan Shacabweynaha DDSI,8da Deegaan ee kale iyo 2bada Ismaamulba ugu hambalyeeyay maalinta Ciida ah ee Hidar 29 ee Sugtay Xuquuqihii Dasuuriga ahaa,Sharaftii Qowmiyadaha, Midnimadii,Isjacaylkii iyo walaalnimadii qowiyadaha.