Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jaaliyada DDSI ee Cariga Finland oo Hambalyo iyo Taageero Soo Dirtay.

Helsinki(CakaaraNews) Talado Dec,10,2013.Waxaa Dhambaal tahniyad ah noo soo diray Jaaliyada Dawlada Deegaanka oomaalida itoobiya ee Dalka Finland kuna taageerayeen Munaasabadii Sanawiga ahayd ee ugu Balaadhnayd ee ka dhacday Caasimada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Magaalada Jigjiga. Hadaba waxaa halkan Hoose ku cad Qoraalkii ay jaaliyadu soo Dirtay una Qornaa Sidan:-

Jaaliyada Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee wadanka Finland waxay xaflad balaadhan ku qabattay magaalada Helsinki. xafladaasoo ay ku taageerayeen shirkii qowmiyadaha oo ay iskugu yimaadeen shucuubta kala duwwan ee Ethiopia ayna kussoo bandhigayeen dhaqamadooda kala duwan.

Waxay dhammaan jaaliyada Finland ay farxad kula wadaageysaa, taageerid iyo tahniyadna ugu direysaa shacabka deegaanka soomaalida Ethiopia.

Gaar ahaan waxaanu ammaan dheeraad ah u diraynaa xukuumada deegaanka Soomaalida Ethiopia taaso suurto galisay inuu shirkaasi ku billowdo kuna dhammaado si nabad galyo iyo farxad leh Noqdana munaasabadii ugu baaxad waynayd ee ka dhacda Dalka Itoobiya.

Mar labaad waxaan tahniyad hawada u marineynaa madaxweynaha dowlada deegaanka soomaalida Ethiopia mudane Cabdi Maxamuud Cumar kaassoo fadliga Ilaahay kadib ummadiisa gaadhsiiyay horumar,Midnimo iyo Xaqsoor-cadaaladed. waxaana leenahay Ilaahay hakugu garab galo xilka aad u hayso ummadaada.