WASIIRADA XAFIISKA HORUMARINTA KHEYRAADKA BIYAHA DDSI AYAA SHEEEGTAY IN QORSHIHII BIYO GELINTA EE GOOBIHII MARTIDII KA SOO QAYBGASHEY XUSKII 29KA HIDHAR SIDII LOOGU TALAGALAY LOO SOO GABAGABEEYEY.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce Dec 13,2013.Wasiirada Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha DDSI Marwo: Fatuun Cabdi Mahdi Oo Warbaahinta Degaanka U Waramaysay Ayaa Sheegtay in Mashruucan Biyo Gelinta Magaalada Jigjiga Oo Ah Qorshaha Ugu Horeeya Ee Ay Xukuumadu Ku Hawlantahay Sidi Loo Taabo Gelin Lahaa. Hadaba Mashruucan Biyo Gelinta Magaalada Ayaa Waxaa Si Rasmi Ah U Socdaan Hawlihii Biyo-Gelinta Magaalada Jigjiga iyadoo ay wadaan shirkad dalka shiinaha laga leeyahay.

Sidoo kale Tubooyinka Biyo Gelinta Lagu Sameynayana Xukuumadu Ayaa Ka Soo Iibisey Dalka Chinaha Kuwaasi Oo Aad U Quwad Badan Islamarkaana Waxweynka Ka Bedeli Doona Baahida Biyo La’aneed eek a jirta magaalada oo si xawli ah usii koraysa aay tidhi.

Waxa Sidoo Kale Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha DDSI Uu Kaalinweyn ka Ciyaaray Xuskii 29ka Hidhar Ee Sida Heerka Sare Loogu Xusay Magaalada Jig-Jiga Iyadoo Xafiisku Uu Qoday 4ceel Oo Loogu Talagalay In Martida Biyaha Looga Soojiido Goobaha Loogu Talagalay In La Dajiyo Maritidi Islamarkaana Uu Xafiisku Hirgeliyey Keydad Lagu Keydinayo Biyaha Kuwaasi Oo Qaadaya Biyo Aadu Balaadhan Oo Loogu Talagalay In Lagu Keydiyo Biyaha Madaamo Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha DDSI Uu Yahay Xafiis U Taagan Dhinaca Adeegbixinta Biyaha.

Wasiirada Xafiiska Horumarinta Kheyraadka Biyaha DDSI Marwo: Fatuun Cabdi Mahdi Oo Hadalkeeda Sii Wadatay Ayaa Intaasi Raacisey In Qorshihii U Dajisnaa Dhinaca Adeegbixinta Biyaha Xuska 29ka Hidhar Sidii Loogu Talagalay Ay Usoo Gabagabeyeen Qorsha Hawleedkii Ay Dajisteen In La Fuliyo.