Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ra'yiga:- Doorka Muwaadinka

Jijiga(CakaaraRa'yiga)mahad ilaahay ayaan u naqayaa gabi ahaanteed ka gadaalna waxaan u naqayaa bulshadeena haboon ee hadh iyo habeen u soo jeeday sidii ay xuska maalinka qowmiyadaha ee hidhaar 29 ee aynu martigalinay ay si nabadgalyo ah ugu dhici lahayd Xukuumadoodana udub-dhexaad ugu noqon lahaayeen allena uu ugu gargaaray ku garab galay oo uu ku guuleeyay,waxaa mahad gaar ah mudan hogaanka suuban ee deegaankeena ee uu horseedka ka yahay Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ,hogaankaas oo bulshada ku hogaamiyay tubta haboon iyo marinka toosan ee ay maanta hayaan laguna beegsaday guusha iyo badhaadhahana ay ku gaadheen kuna gaadhi doonaan mustaqbalka insha allaah.

Marka aan arkay guusha horumarineed,Kobac-dhaqaale,Bulsho,Maamul-Saxar Tiran iyo nabadgalyo ee aan gaadhnay , markaan dib u milicsado dadaalkii dheeraa ee aan mudada badan ugu soo jiray guushan taariikhiga ee martigalinta xuska maalinka qowmiyadaha ee 29 hidhaar ee ay ka gaabiyeen Xukuumadihii fadhiidka ahaa ee gabay ka jawaabista Baahida shacabka iyo sida nabadgalyada iyo Nabada Salka loo Dhigay ee aynu sida xasilinoonidu ku dheehantahay ee aan u gudanay iyo soo dhawaynta maamuusku ku dheehantahay ee loo sameeyay martidii kala gadisnayd ee xaflada ka soo qaybgashay taas oo waxyaabo badan kaga tilmaanayd xafladiihii noocan oo kale ahaa ee deegaanada kale ka dhacay waxaan leeyahay Deeqda Ilaahay waa hadiyad gaar ah oo uu u garto qofkii uu la doona, suuqa lagama iibsado, xoogna laguma helo iyo indho caddeys,(alxamdulilaah) edebta iyo xishoodka, ixtiraamka bulsho, hab-nololeedka iyo dad la dhaqanka wanaagsanna waa Alle ku sii iyo dedaal uu qofku gaaro, qaybna waa ay ka tahay barbaarinta waalidka-san iyo ku dhex noolaanta bulsho caafimaad qabta.

Haddaan leeyahay hiddo gaar ah iyo dhaqan umadda ka tilmaaman iyo taariikh ma guuraan ah oo ay itoobiya wayn iyo caalamkuba ii qirayo ,hadii la soo faagay oo daaha laga qaaday taariikhdaydii cadaawuhu aasay ee la xaqiray taas oo aas,aas u ahayd inaan itoobiya rabitaankayaga kaga mid noqdo mar ahayd inta laysla aaminay huteel sharatoon laga dhigay xaflada loogu magacdaray( Habeenkii Kali) oo inta loo taraanwadhay meel caalamka oo idili goobjoog ka yahay lagu soo bandhigay taariikhdaydaas qarsoonayd walaalahayga itobiya iyo caalamkuna ii qirayo Hadduu deeqda Ilaahay ila soo doontay Halyayada Cabdi Maxamuud Cumar horseedka u yahayna ay dadaal midkii ugu adkaa u galleen , gargaarka eebe ka sokowna ay gabagabadii goolkan dhaliyeen, ma garan karo wax shacbigeena u dhiman aan ka ahayn in ay madaxdooda garab galaan dadaalkoda sii laban laabaan iyo in ay Farxad ku noolaadaan.

Habeenkiina waxaan ku hurdaa anigoo xusuusan dadaalka adag ee loo soo gallay heerka aan maanta taaganahay ee dhiiga badani ku daatay geesiyaal badanina ay dhiigooda u soo hureen iyo anigoo ku faraxsan in geesigii dadaalkaas horseedka ka haa uu wali nool yahay isaga oo da,yar oo waliba hogaanka haya aanan aaminsanahay in uu xoog badan uu guulo kuwan ka badan ku dhaliyona uu ku hadhsan yahay allaha daayo Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar Cimrigiisana allaha Dheereeyo Subaxdiina waxaan ku soo toosaa anoo ku faraxsan dadka maskaxda ka xorta ah ee igu hareereysan ee ku qanacsan maamulkooda suuban ee ay qowmiyada soomaali ahaan soo doorteen hogaankana uhaya kaas oo ku abtirsada bahwaynta itoobiya iyo nidaamka dastuuriga ah ee oggol wada noolaanshaha dadyoow kala duwan, isla noolaanshaha iyo is tixgalinta fikradeed. ee qowmiyadaha itoobiya.

Waxaan leeyahay wax badan oo aan ku faano, nafteyduna ay ku xasillan tahay, kuna xasisho haddii aan ogahay taariikhda aan leeyahay, haddii aan ogahay dhaqankeyga quruxda badan ee ii gaarka ah, haddii aan ogahay geesinimada halyayadii iga dhashay sida Sayid Maxamed cabdille xasan xaawo taako iyo Axmed Guray oo markii halyayadaas la nii quudhi waayay ay dadyow iyo dawlado aan darisnahay inta ay igu qabsadeen ay sheegteen taaalona u dhisteen nasiib wanaagse aan maanta dadaal ugu jiro sidaan u soo ceshan lahaa taariikhdii la iga xaday oo taaladii sayid maxamed cabdile xasan aan jijiga badhtankeeda ka taagay ,garoonkiina diyaaaradaha ee caalamaiga ahaana aan ugu magac daray garaad wiilwaal bkuwii kale ee taariikhdooda la iga xadayna aan ku daba joogo ,.

Adduunkeygu ma laha wax yar oo shallaay ah, mana lahaan doono, waxaase uu leeyahay iftiin aan la qarin karin.,,24 keyga saacadood anigu way iftiimeysaa, duni rajo iyo saadaal qurxoon lehna waa aan ku noolahay. hadii ay jiraan umadayda sidaas u nool ee heerkaas taagan kuwo faro ku tiris ah oo aragtiyo shisheeye iyo cadow noloshayda iyo horumarkayga ka xun oo inta ay caqliga ka bukaan ku hamiyayaya in ay dano shisheeye u adeegaan noloshaydana dhanqaryeeyaan ,hadaan aragtidooda maya idhaahdona ama aan fikirkooda diiday idhaahdo magacyo khaldan iyo dacaayad riqiis ah iga faafinaya macno ma leh saamayna iguma laha waxaan u arkaa kaliya qof ii quuri waayay noloshaydaa. Qof kastaa oo quuri waaga lagu arkana waa in uu yahay ruux dhibban oo nafsad ahaan u buuqsan oo ciriiri adduun ku jira. cadaab aakhirona cawaaqibkiisa sugayo ,hadal iyo murtidina kaasi waxba ima yeeli karo.

waxay niyadaydu ku santahay itoobiyaanimadayda oo ah mid aan la igu khasbin ,ku timid rabitaanka shacabkayga ,waxaan bogaadinayaa fikirkii suubanaa ee ka soo maaxday maskax cafimaad qabta oo ay oday dhaqameedyadaydii indheergaradka iigu dooreen ka mid noqoshada bahwayntayda itoobiya oo ah mid aan mahadiyay ,la noolaanshaheedana aanan ciil iyo cidhiidhi toona ku qabin taas oo ah mid aanan cidna uga daba fadhiyin.

kala Duwanaanshaha dhaqan,diin ,luqad ee qowmiyadaha itoobiya waa aas,aaska quruxdeena hadaan leeyayahay taariikh guun ah oo lama ilaawaan ah taas oo lagu xusuustu geesinimo quudhsi diid iyo in loo dhinto ilaalinta karaamada iyo sharafta dadwaynaha itoobiya taas oo lagu xusuusto sidii umada itoobiya ay naf iyo maalba ugu hureen ilaalinta sharafta iyo karaamada ay leeyihiin , taas oo lagaga sooci karo ,kagana suntanyihiin ,bulshooyinka kale ee dariskooda kale ee afrikaanka ah.

waxay umadaydu leedahay record aan lala wadaagin kaas oo baaldahab ah ku qoran oo ay kaga sharaf sareeyaan asaagood filkoodna ay kaga sareeyaan taas oo ah umada afrika ee aan ee aan lahayn taariikh gumaysi ,ee beeniyay hamigii gumaystayaasha reer yurub ay ku doonayeen in ay gumaystaan taas oo ku timid midnimo iyo towfiqda qowmiyaadka itoobiya oo rabitaankooda ay ku ilaashanayaan karaamadooda ay gumaystayaasha reer yurub loodin kari waayeen ahna sifo ka mid ah sifooyinka umadaydu kaga tilmaamantahay asaagooda kale ee afrikaanka ah Dhaqanka suuban ee aas,aaskiisu yahay midnimada , wadajirka ,wax wada qabsiga iskaalmaynta iyo istaageerida shucuubaha kala gadisan ee dalkaygu waa haybada iyo sharafta aan ku noolahay ee an cidina i amaahininin ina ergisin balse aan ab iyo isirka u leeyahy asaagayna kaga tilmaanahay,waxay igu kalifaysaa inaan u hanwaynaado itoobiyaanimadadayda Haddaan leeyahay hiddo gaar ah iyo dhaqan umadda ka tilmaaman iyo taariikh ma guuraan ah oo caalamku ii qirayo.

Hadduu deeqda Ilaahay ila soo doontay anna aan dedaal ku daray, ma garan karo wax aan ahayn inaan farxad ku noolaan karo waxaanse wali tiigsanayaa oo aan iswaydiinayaa su,aalahan goorma ayay taariikhda kali ka mid noqon doontaa manhajka waxbarsho ee deegaankeena iyo kan itoobiya ? goormaase ay kali yeelan doontaa maalin laga xuso deegaankeena oo ay ka mid noqon doontaa maaalmaha ciida deegaankeena ? Goorma ayaa ,kuliyadeheena deegaanka mid ka mid ah loo bixindoonaa Kali?

By.Cabdixaliim Axmed Ismaciil