Ramadan Kariim 



 

      

Bulshada Ku Dhaqan Degmada Yoocaale iyo Nawaaxigeeda oo Bogaadisay Hanaanka Adeeg-Bixinta Xarunta Caafimaadka.

Bulshada Ku Dhaqan DegmadaYocaale iyo nawaaxigiisa ayaa si weyn u bogaadiyay adeeg-bixinta xarunta caafimaadka cusub ee looga dhisay magaalada xili ay Shacabku Xarunta caafimaadka u yimaadeen Baadhitaan iyo Dawaynba iyadoona ay halkaa kula kulmeen Warfidiyeenada Deegaanka Dhanka saxaafada oo Booqasho ku tegay.

Qaar ka Mida Shacabka Oo La Hadlayey Warfidiyeenada DDsi Xili Ay Ku Sugnayeen Iyagoo Ka Faideysanaya Adeeg Bixinta Xarunta Cusub Ee Cafimaadka Yocaale Ayaa ay u sheegeen in ay Bogaadiyeen Kuna Faraxsanyihiin Adeegbixinta Xaruntaasi Iyagoona dareen farxadi ku jirto u sheegay In Ay Ka Kaaftomeen Safarkii Ay U Gelijireen Helitaanka Adeeg Cafimaad Islamarkaana Ay Ku Heleen Degaankooda Yoocaale Xarun Cafimaad Oo Adeega Hufan U Fidisa .

Dhankooda Xirfadlayaasha Caafimaadka Dadka Ee Ka Hawlgala Xaruntaasi Cusub Ee Degmada Yocaale Ayaa Xusay in Ay U Gutaan Waajibaadkooda Shaqo Sidii Loogu Talagalay islamarkaana Siiyaan Bukaan-socodka iyo Bukaan-jiifka baadhitaan,dawayn iyo latalinba.

Madaxa Xafiiska Caafimaadka Ee Degmada Yocaale Mudane: Daahir Xuseen Ismacil Ayaa Isagoo Warfidiyeenada La Hadlayey Sheegay In Degmada Yocaale Ay Ka Jiraan “4 Health Post Iyo 1 Health Center” Dhamaantoodna Ay Yihiin Kuwa Shaqeeya, Bulshadana ay Siyaan Adeegyada caafimaad ee  Loogu Talagalay sida Baadhitaanka, dawaynta, Bukaan-jiifka,Hooyada,Dhalaanka,Latalinta Iyo adeega Talaalka .

Isku Soo wada DuubooDegmada Yocaale Oo Ka Mid Ahayd 16kii Degmo Ee 2sano ka hor uu baarlamaanka DDSI Degmo buuxda u ansaxiyeen Kana Mid Ah Degmooyinka Hoos Taga Gobolka Jarar,iyadoona ay Wakhti Xaadirkan Ka Socdaaan Degmadaasi Dardar Xogan Oo Kor Loogu Qaadayo Kobcinta Xaalada Nolosha Bulshada Reer-Guraaga Kudhaqan Tulooyinka Iyo Sentarada Hoos Yimaada Degmada Yocaale.