Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jaaliyada DDSI ee Denmark oo Si Weyn u Xustay Maalinta Qiimaha Leh ee Hidar 29.

Waxaa Cariga Denmark Gaar ahaan Copenhagen lagu Qabtay Munaasabad aad u Qiimo badnayd oo Lagu Xusay Xuskii 8aad ee Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Dalka Itoobiya oo ay sanadkan Si aan Hore looga aragXafladihiib ka horeeyay loogu Qabtay Caasimada DDSI ee Magaalada Jigjiga. Munaasabadan oo ay Si Heer-sare ah u soo agaasimeen Xubnaha Jaaliyada DDSI ee Denmark ayaa ay ka soo Qaybgaleen Dhamaanba Qurbajiogta ka soo Jeeda DDSI,Qurbajoogta Qowmiyadaha kale,Marti-sharaf iyo Dhamaanba Qaybaha Bulshada.

Sidoo kalana Fanaaaniin caan ka ah Carigaas oo u Hagar baxay Habeenkaas Muujiyayna Wacdaro faneed oo isugu jiray Heeso,Dhaantooyin iyo Riwaayado Astaana uga dhigay Midnimada,Walaalnimada iyo Qiimaha balaadhan ee ay Maalintani ugu fadhido Qowmiyadaha iyo Shucuubta Walaalaha ah ee kala Qoqobnaan jiray.

Gudoomiyaha Jaaliyada Mudane Dhuux ayaa warbixin ku saabsan Heerka waxqabadaka Xukuumada DDSI ay taagan tahay Maanta,Nabada Salka loo dhigay iyo Maamulka Suuban ee ka taabogalay Deegaanka sharax dheer ka siiyay ka soo qaybgalaaysha,islamarkaana Tibaaxay Qiimaha iyo Qadarinta ay Mudan tahay Maalinta Hidar 29 oo Ka dulqaaday Heeryadii iyo Hagardaamooyinkii ba'naa ee talisyadii Faashiistiga ahaa ku hayeen Qowmiyadaha.

Jaaliyada Denmark ayaa ka mid ah Dalakii ugu horeeyay ee Qurbajoogtu Daahfurka ku samaysay Deegaanka ahaana Qurbajoogtii Wadar-ahaan ugu Badnayd ee Deegaanka ugu soo horbooqatay slamarkaana markii ugu horaysay Kulan balaadhan la Qaadatay raysal-wasaarihihii Aragtida Dheeraa Melse Senawi.