Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jaaliyadda DDSI ee ku nool Puntland, Somalia, oo u dabaaldegay Xuska 8,aad ee maalinta Qowmiyadaha iyo Shacuubaha Dalkeena ethiopia Hidar 29.

Boosaaso(CakaaraNews) Jaaliyadda Midnimada Bulshada Somalida Ethiopia ESSUC ee Xarunteedu tahay Magalada Boosaso ee Maamulka Puntland ayaa soo Qabanqabisay Munaasabad aad u wayn oo ay ka soo qeybgaleen marti ka socotay Qowmiyadaha kala duwan Ethiopia ee haatan ku nool Magaaladaas,ururada bulshada Maamulka Puntland iyo Martisharaf kalae,

Xafladan oo Loogu Damaashaadayay Xuska Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo Walaalnimada Shucuubta Reer Itoobiya Hidar 29 ayaa waxaa lagu soo bandhigay Bandhig faneed Xiiso badan oo ka hadlayey Horumarka iyo Isbadelka loo riyaaqay ee uu ku talaabsaday DDSI sanidihii u danbeeyay.

Munaasabadda oo lagu qabtay Hoolka Dawlada hoose ee Magaalada Boosaso ayaa sidoo kale lagu casumay Ururada bulshada ee Puntland waxayna dhamaan Hambalyo iyo Bogaadin u direen Hogaanka & Shacabka DDSI ee Markii ugu horeysay Marti Galiyay Xuska Qowmiyadaha & Shacuubaha Ethiopia Isla markaana Jigjiga Noqotay Caasimad Nabad, Bilic iyo Jawi macaan ku soortay Martidii faraha badneyd e Xuska u timi.

Jaaliyadda Somalida Ethiopia ayaa Goobta Xaflada ku soo bandhigtay Hidaha iyo Dhaqankooda waxeyna la kaceen Dhaantoyin ay aad uga wada heleen ka Qaybgalayaashii xafladda,C/xakiin Maxed Ibrahim oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda Somalida Ethiopia ee Puntland oo magaceeda loo soo gaabiyo ESSUC ayaa Qudbadiisa ku muujiyay Sida ay Jaaliyad ahaan ugu qanacsanyihiin Waxqabadka iyo Horumarka DDSI uu u Horseeday Maamulka suuban,.

Isagoo ku hadlaya magaca guud ee Jaaliyad wuxuu Hambalyo Ku aadan Xuska 8aad ee Qowmiyadaha iyo Sacuubaha Ethiopia u diray Guud ahaan Dawladda iyo dadweynaha Ethiopia. Inta badan hadalad laga soo jeedinayay Munaasabadaas ayaa u dhignaa in Midnimada ethiopia ay tahay Muqadas, isla markaana Dastuurku yahay Dhaxlka wada-noolaanshaha,sinaanta iyo Sugida Xuquuqaha Qowmiyadaha.

Xaawo Abdi oo ku hadashay Magaca Dallada Haweenka DDSI ee ku sugan PL ayaa sheegtay inay si weyn ula dhacsanyihiin Guulaha Horumarka ah ee ay ku talaabsatay sanadihii ugu danbeeyay xukuumada DDSI, ayadoo dareen suugaaneed ku muujisay Sida ay ugu faraxsanyihiin Ka qeyb-galka Munaasabadaas & Xuskii weynaa 29-hidheer sida wanaagsan uga dhacay Magaalada Jigjiga ee ay isugu yimaadeen Wadamada Deriska,Beesha Calamka,9ka Deegaan iyo Raysalwasaaraha DFI Mudane Haile mariam Desalegn sidoo kalaqna carabka ku dhufatay Xidhiidhka iyo Iskaashiga Wanaagsan ee DDSI iyo Puntland ka Dhaxeeya Ardayda Puntland ay Wax ugu Bartaan DDSI.

Sidoo kale Xaawo Abdi  ayaa sheegtay inay si weyn ula dhacsanyihiin Guulaha iyo Isbedelada Muuqda ee ay Xukuumada DDSI ku talaabsatay Dhanka Horumarka Maasheeyeey ka Sakow Jigjiga Dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka,Maamulka Suuban ee ka taabogalayHorumarka ah ee DDSI, ayadoo dareen suugaaneed k muujisay Sida ay ugu faraxsanyihiin Ka qeyb galka Munaasabadaas & Xuskii weynaa 29-hidheer sida wanaagsan uga dhacay Jigjiga.