Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya oo Durba Kaga Shanqadhiyay Awoodooda Waxqabad.

Mareeyaha Ururka Horumarinta Somalida Itoobiiya Mudane: C/Kuus C/Laahi Salebaan oo Wax aan bil dhamayn hayay Xilka ururka Ayaa Sheegay In Ururku Uu Wakhti Xaadirkan Gacanta Ku Hayo Hawlo Kor Loogu Qaadayo Horumarinta Aas-Aasiga Ah Ee Shacabka Degaanka.

Sidoo kale C/kuus Ururka Horumarinta Somalida Itoobiya Oo Ka Duulaya Qorshaayasha U Yaala Ee dhanka Horumarinta Bulshada Degaanka si loo kobciyo helida adeegyada ay u baahan yihin Gaar Ahaan Dhinacyada Adeegyada Aas-Aasiga Sida Dhinacyada Caafimaadka,Waxbarashada,Biyaha Koru Qaadida Dhaqaalaha Iyo Waxsoosaarka. Xafiiskan Ayaa Waxa Uu Helida Adeega Biyaha Nadiifta Ah Gaadhsiiyey Sida uu Maareeyuhu sheegayTulooyin Ku Yaala Agagaarka Magaalada Jigjiga Ee ay ku fiday Magaalada Jigjiga kuwaasoo a ka mid yihiin Tuulada Dude-Hidi Oo Hada Ka Mid Ah Xaafada 11aad ee Maamulka Magaalada Jigjiga.

C/kuus ayaa tibaaxay in ay Shacabka ku dhaqan Cidhifyada Caasimada Deegaanka ay u sameeyeen Goobo la dhigay 15 Haamaha waawayn ee kaydka Biyaha ah islamarkaana saacad kasta ay ka heli karaan Helida iyo Nadiif ah si ay uga raystaan Dhibaatooyinkii Biyo la'aaneed.

Dhanka Kale Shacabka La Gaadhsiiyey Biyaha Nadiifta Ah Ayaa Bogaadiyey Talaabadani Lagu Soo Gaadhsiiyey Iyagoo Sheegay In Ay Aad Ugu Faraxsanyihiin.

Sdioo Kale Ururka Horumarinta Somalida Itoobiiya Oo Kaashanaya Shacabka Ayaa Waxa Uu ka wada Mashruuc Dhismo Oo Lagu Balaadhinayo Dugsiga Hoose/ Dhexe Ee Wiil-Waal oo lagu darayo 4Fasal ayaa si loo badbaadiyo Kharashkii Badnaa ee ku bixi lahaa aanu ku wadnaa Is-taageersiga Xooga Shacabka iyo UHSI ayaa uu Yidhi.

Isku soo wada Duuboo Urukani Oo La Aasaasay Sanadkii 2012 E.C Ayaa Waxa ay xubnihiisu caga-cagaynayaan ilaa 140,000 Oo Xubnood Iyadoo Ay Ururkan U Qorshaysantahay In Magalooyinka Jig-Jiga,Qabridahar Iyo Shiniile Uuka Dhiso Guryaha Wadarta Isa-Saran Ee Loo Yaqaano “Real Estate” Si Korloogu Qaado Bilicda Magalooyinka Islamarkaana Shacabka Ku Dhaqan Magaloyinkasi Loogu Fidiyo Adeega Guryaynta .