Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wali Aadan Waa 26-Jir Ka Mida Qoyska ugu Gaaban Degmada Ceel-kari(Awooda Rabbi).

Ceelkari(CakaaraNews) Khamiis Dec 19,2013.Waxa uu wariyaha Cakaaranews saaka si kadis ah kula kulmay badhtamaha Jigjiga Wali Aadan oo aynu Hore uga Daawanay Socdaalkii Rajo iyo Nolol isagoo Madaxwaynaha DDSI ay iswaraysanayaan.

Sida ay Noo sheegeen Ehelka Barbaarkan 26-jirka ah Wali Aadan ayaa ka mid ah Qoys ka kooban 10 Caruur ah iyo labadoodii Waalid iyadoona 7 ay Walaalo Yihiin Weli ay Dhererka Caadiga ah yihiin Balse Weli iyo 2 ay walaalo yihiin oo gabadh ka mid tahay ayaa naloo xaqiijiyay in ay ka sii Gaaban yihiin 26jirkan halka Aabo Aadana uu Dhexdhexaad Dhererkiisu yahay.

3-dan ka mida 10ka Caruur ee uu dhalay Aabo Aadan ayaa hadii Fiiro gaara loo yeesho kaalinta 1aad ka gali kara Tartamada Mucjisooyinka Alle ee Aduunka iyadoona Wiil ku xiga Wali oo Lagu Magacaabo Suldaan aadan uu Lugaha ugu Dhacayo Dherer ahaan 26jirkan .

Mar aanu wali wax ka waydiinay Heerka waxbarasho iyo Inuu xaas leeyahay ayaa uu noo sheegay in uu Dhigto Fasalka 7aad balse uunan weli Guursan walow uu sheegay in uu ku taamayo.