Gudiga Fulinta XDSHSI oo uu Shir uga furmay Xarunta Dhexe ee XDSHSI Xaruntiisa Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CakaaraNews) Jimce Dec 20,2013. Waxaa maanta ka bilaabmay xarunta dhexe ee XDSHSI Shir ay isugu yimaadeen Xubnaha Gudiga Fulinta ee Xisbiga Dimoqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya oo uu shigudoominayay Gudoomiyaha XDSHSI Mudane Maxamed-ashiid Isaaq.

Kaamerada Il-qoodhka CakaaaNews ayaa Soo Shalwisay Qodobadii lagaga hadlay Shirkii galinka hore oo lagu Dhagaysanayay Warbixintii Waxqabadka Xukuumada DDSI iyo Xisbiga 6dii Bilood ee tegtay iyo Sii dardargalinta Hawlihii Horumarineed ee ay Xukuumadu u Heensaysnayd 6da-bilood ee sanadka ka dhiman la iskuna sii Dhiirigaliayay in aan laga xagal-daacin .

Sidoo kale Il-qoodhka waxaa lagu gorfaynayay Natiijooyinkii ka dhashay Diyaargarawgii Xuskii Hidar 29 iyo Halbeega Munaasabadii Maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Reer Itoobiya Maxsuulkiisu halka uu Gaadhsiisnaa balse lagu qaadaadhigay in Hawlihii xawliga ahaa ee lagu jiray aan la baalmarin loona Qaadan in mar haday Xuskii Hida 29 dhamaatay in Gacmaha laga laabto.

Shirka ayaa weli sii socon Doonaa iyadoona la filayo In Beri Shirkii Golaha Dhexe ee XDSHI uu Bilaabmo balse hadba halka uu maray Kaamerada Il-qoodhka CakaaaNews ayaa Diyaar u ah Qooraansigiisa maadaama sidaynu hore uga barany shirarka xisbiga marka xubnaha golaha-dhexe la isug yeedho aalaaba Qodobo la ansixiyo ee ha ka fogaanina.