Jaamacada Jigjiga oo Kaga Dhabaysay Fulinta balanqaadkii Madaxwaynaha Laan Cusubna ka Furtay Magaalada Fiiq.

Jaamacada Jigjiga University oo ka jawaabaysa Balanqaadkii uu madaxwaynaha DDSI Mudanecabdi Maxamuud Cumar u balanqaaday Codsigii Shacabka ee ahaa in Jaamacad looga Furo Fiiq Xiligii uu Socdaaladii Ilays iyo Iftiin ku jiray islamarkaana iyadoo wafti heer-federal Wehelinayeen Xadhiga kaga jareen Xarunta Quwada Korontada 24ka Saac ee DegmadaFiiq iyo nawaaxigeeda.

hadaba Jaamacada Jigjiga(Jigjiga University) Ayaa Markii Ugu Horeysay Diwaangelin Ka Bilawday Degmada Fiiq Ee Xarunta Maamulka Gobolka Nogob. Arintan Oo Ay Bogadiyeen Dhamaanba Shacabka Ku Nool Degmada Fiiq Taasi Oo Ay Sheegeen In Ay Arintani Tahay Guul Wayn Oo U Soo Hoyatay Dhamaanba Shacabka Ku Nool Degmada Fiiq Iyo Degmooyinka Uu Ka Koobanyahay Gobolka Nogob.

Warka ayaa intaa ku Raxeeyay in ay Jaamacada Jigjiga Si Rasmi Ah uga Bilawday Diwaangelintii ugu horaysay ee Ardayda Soo dhmaysatay waxbarashada Dugsiga sare iyo Shaqaalaha dawlada ee buuxiyay Shuruudaha waxbarashada heerka jaamacadeed iyadoona ay laantani bixin doonto Culuunta kala Duduwan ee Qaybaha takhasuska Heerarka Degree iyo Diploma.

Hadaba Fursadan Waxbarasho Oo Ay Ka Faideysan Donaan Muwadiniin Tiro Badan Oo Ku Dhaqan Gobolkaasi Ayaa Waxa Ay Jaamacadu Bixin Doontaa Aqoonta Heer “Degree, Diploma” Iyado Muda Yar Kadib Si Rasmi Ah U Billabi Donta Adeeg Bixinta Waxbarashada .

Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Nogob Mudane: Dayib Axmed Nuur Oo Ku Sugnaa Madasha Ay Ka Socotay Diwaangelintu Oo La Hadlay Warfidiyeenada Degaanka Ayaa Ku Booriyey In Shacabka Ku Nool Degmada Fiiq Ay Ka Fadieystaan Waxbarashada Ugu Timid Guryahooda Taasi Oo Uu Ku Tilmaamay In Ayna Fursad Uhelin Jilaashii Ka Horeeyey kana faaiidaysan doonaan dhalinyaradii Dhaqaaluhu u saamixi waayay in ay Meelo kale ku soo aataan waxbarashada Heer jamacadeed.

Qaarka Mid Ah Ardaydii Is Diwaangelineysay Waxbarashada Jaamacada Ayaa Iyagoo Ay Wajiyadooda Ka Muuqatay Dareen Farxadeed Sheegay In Ay Nasib U Heleen Iyagoo Ku Sugan Guryahooda Ay Waxbaranayaan Islamarkaana Ku Tilmaamay In Mid Tahay Dadaalada Dheraadka Ah Ee Ay Xukuumada DDSI Ugu Jirto Sidii Ay Shacabkeeda U Gaadhsiin Lahayd Dhamaanba Adeegyada Aas Aasiga Ah .

Iskusoo Wada Duboo Talaabadan ay jaamacada Jigjiga u qaaday Dhanka Fiiq ayaa ka Turjumaysa Balanqaadki Madaxweynaha DDSI Mudane: Cabdi Maxamud Cumar Socdalkii Nolol Iyo Rajo Rumeys Ee Uu Ku Marayey Qaarka Mid Ah Gobolada Degaanka Uu Ku Balanqaaday.