Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Wakiilka Laanta Caafimaadka Aduunka(WHO) oo uu Soo Dhaweeyay Ku-Xigaanka caafimaadka DDSI.

Jigjiga(CakaaraNews) Axad Dec 22,2013. Waxaa maanta uu ku soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Siciid Wafti balaadhan oo uu Hogaaminayay wakiilka Laanta Caafimaadka Aduunka u Qaabilsan Itoobiya Dr Pierre M' Pele(Who, Country Representataive In ethiopia.

Xafiiska Caafimaadka DDSI oo uu Horkacayay Mudane C/fataax Siciid ayaa Dr pierre oo ay Wehelinayeen Teamkiisii Addis-ababa u fadhiyay oo ka koobnaa ilaa 10 Qof Qado-sharaf ugu sameeyeen Hotel-Xamda taasoo si fiican loo sii agaasimay. Qadadii ka dib ayaa loo sarakacay Shir balaadhan oo dhexmaray Waftiga Heer caalami iyo Xafiiska caafimaadka DDSI oo uu Shirgudoominayay wasiir Kuxigeenka caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Siciid isagoona ugu Horayn uga mahadnaqay WHO Barnaamijyada ay ka caawiso Deegaanka iyo Taageerada laga helo.

Ujeedada Socdaalka waftiga WHO ayaa ku wajahnayd sidii ay Xukuumada DDSI gaar ahaan Xafiiska Caafimaadka DDSI uga wada xaajoon lahaayeen Barnaamijyada Caafimaad ee ay ka taageerto Deegaanka Sida Noocyada Talaalada,Jawaabaha Degdega ah ee Cudur Dilaacyada(Emergency Response) iyo ka baaraan-dagida Mustaqbalka Meelaha u baahan in ay WHO ka caawiso Deegaanka. Xafiiska Caafimaadka ayaa soo jeediyay warbixintii Waxqabadka barnaamijyada caafimaad ee ay ka caawiso WHO taasooy Dr Peer iyo waftigiisii u Bogeen kana Mahadceliyeen Heerka Waxqabadka laga Hirgaliyay hawlaha ay ku Caawiso islamarkaana balanqaaday in ay sii xoojin doonaan taageerada ay Siiyaan DDSI.

Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax ayaa soo bandhigay Meelaha ay Xukuumadu ahmiyada siinayso in laga taageero Mustaqbalka si loo xoojiyo tayada Adeegyada Caafimaad(Health System Strenghten) kana mid yihiin waxyaabaha ay Ahmiyada ama Priorityga siinayso Xukuumadu sanadka soo socda Tayaynta waxqabadka Adeeg-bixineed ee xarumaha caafimaadka iyo sidii uu adeeg u bilaabi laha Isbitaalka wayn ee Meles(Meles Memorial Referal Hospital).

Sidoo kale Mudane C/fataax ayaa ka Codsaday u Qaabilsanaha ethiopia laanta Caafimaadka Aduunka Itoobiya in laga Caawiyo Deegaanka kor uqaadida barnaamijka Xoolo-dhaqatada iyo in loo Qabto Forum ama Shir-wadareed ay ka soo qaybgalaan Dhamaan hay'adaha Heer Caalami ee Deeq-bixiyayaasha ah iyo Private Sectorska  si ay wasaarada Caafimaadka DDSI ay ugu soo Bandhigto Heerka baahida Caafimaad iyo Adeeg-Bixinta REferal-Hospitalka ee ay u baahan yihiin in Deegaanka laga caawiyo iyadoona la isku afgartay in uu Shir-Wadareedkani ka Dhaco Bisha march Shereton Hotel.

Beri ayaa la filayaa in ay waftigani la kulmaan madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax maxamuud Xasan.