Xawliga Fiditaanka magaalada Jigjiga iyo Faraqyada Afka Soo Saaray Magaalada

Jigjiga(CakaaraNws) Isniin Dec 23,2013. Waxaan la iska indhsaabi karin in ay Magaalada Jigjiga Si xawli ah ugu sii fidayso Tuulooyinkii ku xayn-daabnaan jiray ee looga Caraabi jiray kuwaasoo badankoodii Nogdeen Xaafado ka Tirsan magaalada Jigjiga Sida Dude-Hiddi oo Dhanka Waqooyi-Gaalbeed ka xigtay, iyadoona Dhanka bariga ayaa ay Magaaladii sii Haabanayso Tuuladii Xoodhley kana Dhaadhaceen Dhismayaasha Binadu Buurtii Garab-case, iyo Meelo.

Sidoo kale Magaalada Jigjiga marka looga baxayo Dhanka Waqooyiga ee ay ku taalo Waadada tagta Degmada Awbare ayaa ay Magaaladu sii Caga-cagaynaysaa Tuuladii Hore loo Odhan Jiray Qoor-dheere iyo Gidhibka Ama Biyo-xidheenka.

hadaba Waxaynu wada Ogsoonahay in Dhanka Galbeedka magaalada Jigjiga ee Dhanka Qorax u Dhaca oo ay Caqabad ku ahayd Fiditaanka magaalada Jigjiga Xeradii Ciidanka Qaranka oo ay XukuumadaDDSI magdhaw ka Bixisay kuna Guulaysatay in Ciidanka laga raro magaalada Gudaheeda ayaa ay hal mar Cudhka Goosteen Dhismayaal Cusub oo Keeb la yuurur ahaa Xiligii Xeryaha Ciidanku kala Xayndaabeen Fiditaanka magaalada islamarna ay wax aan 2bo sano ka badnayn Magaalada Jigjiga Dhanka Galbeedka ay Afka Saartay Buurta Kaara-Mardha Walow ay Cabsi Badan iyo Deyro ka Qabaan Qaar ka Mida Shacabku Jeex-jeexyada Dhulka ee Duleedka Xaafada 8aad.

Sida warku nagu soo Gaadhay Shacabka xaafada 8aad ee Magaalada Jigjiga ayaa wal-wal ka Qaba in ay Saamayn ba'an kala kulmaan Jeex-jeexyada iyo faraqyada ka soo farcamay Buurta Kaara-mardha ee ay Roobabku Sameeyeen wax kala Tacaalana aysan Jirin. Mar aanu wax ka waydiinay dad khuburo ku ah Dhanka dabeecada Dhulka iyo Cimilada ayaa ay noo xaqiijiyeen In ay saamayn xoogan ku yeelan karto Magaalada hadii aan la Cayni Qaban inta Wakhtiga la haysto si aynan Jigjiga Dhexdeeda uga Dilaacin Tog Baaxad wayn oo GalaaftaMaster-Planka iyo Shacabka magaalada. Khabiirkan ayaa raaciyay in Xafiiska Beeraha DDSI ay Xiliyo kala Duduwan isku dayeen waka qabashada Fiditaanka Jeex-jeexyada iyo faraqyada ka dhasha Roobka kana soo Farcama Buurta kaara-mardha walow ay jiraan Asbaabo kale oo aan laga Baaraan dagin xiligii la isku dayay caabinta iyo Joojinta iditaanka farqyada kuwaasoo ah sidan.

Markii Gurmadka loo Galay Sidii loo Hakin lahaa farqyada iyo Jeexyada Roobka ka dhasha sii fiditaankooda ayaa ay waaxda Xafiiska Beeraha u Qaabilsan ee MERIT ka sameeyeen in laagaha Dhexdooda lagu sameeyo Dhagaxaan isku Dulsaran sida Lakabyada lehn Qaabka jaranjarada si aynan Hoos ugu Qodin Biyuhu Dhulka Balse Meesha lama soo Dhigan in ay Dhinacyada laagaha ka sii fidi karaan.

ilo-xogaal ah ayaa noo xaqiijiyay in xukuumadu ay Miisaaniyado badn u qabtay sidii loo Joojin lahaa faraqyada Jirtayna in hada ka hor Mashruuca Merit Dhir badan lku beeray Buurta Kara-Mardha iyo Agagaarkeeda taasoo looga Gol lahaa hakinta Biyaha ka soo Rogmada Buurta Balse aynan Hada ku oolin wax Geed ah Isweydiintuse waxa a tahay "Xagay Geedihii Ku danbeeyeen"Way Cadahay waa la Dayacay xanaanaynta Geedahaas iyadoona loo cuskan karo 3 asbaabood in ay sababeen.

A-Waxaa laga yaabaa in xiligii la beeray Geedahan aynan xili roobaad ahayn ka dibna waraabintooda iyo xanaanayntii Dhirtan lagu abqaalay Burta kara-mardha aan xil la iska saarin.

B-Shirkadaha warshadaha yar-yar ee Rigaaxa Dhagaxa ee Agagaarka Buurta laga sameeyay oo Dhabayaal Baabuurta iyo lugta Dadka ka samaystay.

C-Xoolha oo aan laga ilaalin Bixitaankii Dhirta.