Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwayne Ku-xigeenka Ahna Wasiirka Caafimaadka DDSI oo Maanta Ku Qaabilay Xafiiskiisa Wafti Ka Socday WHO.

Jigjiga(CakaaraNews) Isniin Dec,23-2013. Waxaa maanta uu madaxwayne ku-xigeenka ana wasiirka caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Maxamuud Xasan uu Xafiiskiisa ku qaailay wafti sare oo uu hogaaminayay wakiilka Caafimaadka Aduunka (WHO) u Qaabilsan Dalka Itoobiya Dr pierre M'pele oo ay wehelinayeen koox ka mida Hawl-wadeenadiisa u fadhiya Magaalada Addis-ababa.

waftigan iyo wasiirka ayaa wadajir u lafaguray heerka waqabadka barnaamijyada ay ka caawiso deegaanka laanta caafimaadka aduunka ee ay ka midka yihiin la tacaalida iyo talaalada cudur-dilaacyada,Xaaladaha Caafimaad ee Jawaabaha Deg-dega ah(Emergency Response),Cudurada Xuduudaha Isaga Goosha iyo Wacyigalinta, Digniinaha iyo Talooyinka Caafimaad ee la siiyo Shacabka.

Mudane C/fataax maxamuud Xasan ayaa Sidoo kale WHO ku amaanay Sida wanaagsan ee ay Xafiiska Caafimaadka DDSI ugaga Caawiyaan Barnaamijyada talaalka Cudur-dilaacyda iyo Guud ahaanba taageerada Dhanka Caafimaadka ee ay Deegaanka la garab taagan yihiin,halka Dr Pierre iyo Waftigiisu ay sheegeen sida ay ula dhacsan yihiin waxqabadka xukuumada Deegaanka iyo xidhiidhka wadashaqayneed ee ay Wasarada caafimaadka la leeyihiin.

Dhanka kale Waxaa la wada falan-qeeyay Sidii loo sii xoojin lahaa Xidhiidhka Wada-shaqayneed iyo hawlaha laanta Caafimaadka Aduunku ka Qaadato Xoojinta Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalada iyo xarumuhu Bixiyaan islamarkaana kor loogu sii Qaadilahaa Barnaamijyada WHO ka Qaadato Deegaanka Sida talaaladaCudur-dilaacyada.

Ku-xigeenka Wasiirka Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax Siciid ayaa isaguna ku Qaabilay Xafiiskiia waftigan oo ay Shalay isla soo jaanqaadeen kana wada hadlay Arimo la xidhiidha Goobaha u baahan Xoojinta iyo Qalabaynta si loogu Fidiyo Bulshada Adeeg caafimaad oo Tayo leh.