Ogaysiis Ka Soo Qaybgalka Shir uu Ka Soo Qaybgali Doono Safiirka DFI u Fadhiya Australia oo Ka Dhici Doona Magaalada Perth.

Perth(CakaaraNews) Talaado Dec,24,2013.Waxaa la ogaysiinayaa Dhamaanba Jaaliyaadka iyo Qowmiyadaha ka soo Jeeda 9ka Deegaan iyo 2da Ismaamul in ay ka soo Qaybgalaan Shir balaadhan oo ka Dhici Doona magaalada Perth ee Cariga Australia Ahmiyad balaadhana u leh ka Sakow Qurbajoogta DFI Qurbajoogta ka soo Jeeda DDSI .

Shirkan ayaa Looga Gol-leeyahay Sidii ay Guud ahaan Jaaliyaadka DFI gaar ahaana jaaliyaadka iyo Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan West Autralia ku tageeri lahaayeen Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban ee ka Taabogalay Dalka iyo Doorka hawlaha Qaranka laga Qaadan karo.

Shirkan balaadhan ayaa ay Soo Qabanqaabiyeen jaaliyada DDSI ee Perth(SECWA) islamarkaana ugu Baaqaya Dhamaanba Qurbajoogta ku dhaqan West Austlia in ay Si Qaran uga soo qaybgalaan Shirkan Ahmiyada balaadhan ugu Fadhiya u leh Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Deegaanada iyo Ismaamulada DFI iyadoona uu Shirkan ka soo qaybgali doono safiirka Cusub ee DFI u fadhiya Australia.

GOOBTA: HOTELKA PAN PACIFIC PERTH 207 ADELAIDE TERRACE

TARIIKH: 28/12/2013 SACADA: 2PM-7PM

WAXII FAAHFAAHIN AH KALA XIRIR

1,ABDISAMAD SOYAN 0422402044

2,ABDILAHI RAYFAL 0431172060

3,HABIB ABDI ILMI 0422569490