Markii ugu Horaysay ee Raashinkii Caawimada ahaa Shacabka Loogu Bedelay Lacag Cadaan ah.

Jijiga(CakaaraNews) Talaado Dec,24-2013. Nidaamka Shacabka Looga Faideynayo Raashinkii Deeqda ahaa ee Gacanta ay ka siin jireen Hay'ada WFP iyo Xafiiska Ka Hortaga Iyo U Diyaargarawga Masibooyinka Ee DDSI ayaa ka dib Qorshe in mudo ahba laga Baaraandagayay si Nolosha shacabka Kor loogu qaado ugana baxaan Sugitaanka gacan ay u hoorsadaan Raashinada Caawimada si ay shacabku u dhadhansadaan Xoogooda ayaa Markii ugu Horaysay Lagu tijaabiyay lagana Dhaqan galiyay 4 Degmo oo ka kala Tirsan Gobolada Shabeele,Faafan iyo Jarar kuwaasoo kala ah Degmooyinka Jigjiga,Tuli-Guleed ,Dhanaan, Birqod Iyo Degmada Godey.

Nidaamkan Bulshada Raashinka Caawimada ah loogu bedalayo Lacag ahaanta ayaa u sahlaya in ay Qoysasku ku maareeyaan Noloshooda ama ay ku abuurtaanba Fursado Shaqo oo ay Dhaqaalahooda kor ugu soo Qaadaan. Markii ugu Horaysay oo Lacag Loogu Bedelay Raashinkii Caawimada ahaa Shacabka Deegaanka.

xafiiska ka hortaga iyo u Diyaargrawga Masiibooyinka oo ay Wehelinayeen Maamulka Dgmada Jigjiga iyo hawlwadeenada hay'ada WFP ayaa ka bilaabay Barnaamijkan Senterka Tuur-wacad oo ka Tirsan Degmada Jigjiga iyaoona Shacabka Goobtaas ku dhaqan wadar-ahaantood gacanta laga Galiyay Lacag Kuus ah halka ay waayadii Hore Qamandi safaf dhaadheer u gali jireen.

Goobtan laga Hirgaliyay Nidaamka Cusub Ee Raashinka Lacagta Loogu Bedelay shacabka ayaa Ay Goob Joogka Ahayeen masuuliyiin ay ka mid ahayeen Wasirka Xafiiska Ka Hortaga Iyo U Diyaargarawga Masibooyinka Ee DDSI Mudane : Fataax Maxamed Faatax Iyo Gudoomiyaha Degmada Jigjiga Mudane: Cabdi Geedi.

Hirgalinta Barnaamijkan Cashka ay Shacabku helayaan ayaa qayb Muiima ka ah Qorshayaasha GTP iyo SPM ee ku wajahan Kor u qaadida Nolosha iyo Dhigaalka Shacabka Deegaanka hadba sida ay uga Faaiidaystaan lacagta la siinayana waa Mid ku xidhan Heerka Waxabsiga iyo Hiigsiga Mustaqbalka Qoyska.