Waxaa ay Wadjir u Soo Indha-indheeyeen Mashaariicaha PCDP ka Fuliyay Degmada Q/bayax madax Ka Socotay PCDP DFI,Bankiga Aduunka iyo Mashruuca PCDP ee DDSI.

Masuuliyiinta Mashruuca Horumarinta Bulshada Xoolo-Dhaqato Ah Ee PCDP Ee Heer Federal Iyo Bangiga Aduunka Qaybtiisa PCDP Ee Dalkan Itoobiya Ayaa Sheegay In Mashruuca Horumarinta Bulshada Xoolo Dhaqatada Ah Ee DDSI Uu Sidii Loogu Talagalay U Fuliyey Wajigii Labaad Ee Mashruucani Dhinacyada Isticmaalka Lacagaha Mashruucani Ka Qaybgalinta Shacabka Maamulka Mashariicaha Iyo Ku Dhameynta Mashariicaha Wakhtigii Loogu Talagalay Kadib Markii Wafti Ka Socday Mashruuca Horumarinta Bulshada Xoolo-Dhaqatada Ah Ee Dalkani Itoobiya Iyo Bangiga Aduunku Ay Socdaal Indhadheyn Ah Ku Soo Mareen Qaarka Mid Ah Mashariicaha Uu Mashruuca PCDP Wakhti Xaadirkan Gacanta Ku Hayo Ee Wajiga Labaad Ee Mashruucani.

Hadaba Waftigan Oo Ay Wehelinayeen Mareeyaha Mashruuca PCDP Ee DDSI Dr.C/Qaadir Imaan , Masuuliyiin Ka Socday Mashruucani Iyo Maamulka Degmada Qabri Bayax Ayaa Boqdey Iyagoona Si Wada Jir Ahna Xadhiga Uga Jaray 2 Barkadood Oo Kamid Ah 1264 Mashruuc oo La Dhisayo Wajiga Labaad Ee Mashruucani PCDP Islamarkaana Laga Fuliyey Tuloyinka “Guuyow” Iyo ”Bisle” Oo Ka Tirsan Degmada Qabri-Bayax Ee Gobolka Faafan Iyadoo Labadan Barkadood Ay Ku Baxday 500,000 Midkiiba Iyo 15% Oo Ah Ka Qaybgalka Shacabka Iyadoo Shacabka Goobahaasi Ku Nooli Soo Dhaweeyey Baraagahan Iyago Sidoo Kale Sheegay In Ay Aad Ugu Faraxsanyihiin .

Waftigan oo Uu Hogaaminayey Mareeyaha Mashruuca PCDP Ee DDSI Dr.C/Qaadir Imaan Ayaa Waxa Ay Booqasho Ku Soo Mareen Soona Indhaindheyeen Barkad Laga Qodayey Tuulada Dhiba Ee Degmada Jigjiga iyadoona uu Mashruucu U Qabtay Barkadaasi Lacag Dhan 500,000 halka 15% ka mida ay ahay ka-Qaybgalka Bulshada,taasooy berkadani Ay Ka Weyntahay 3 Jeer Intii Loogu Talagalay Taasi Oo Ay Sababtay Ka Go’naanshaha Iyo Lahaansho Ka Yimidey Xaga Shacabka Tuladaasi Iyagoo Go’aansaday In Ay Iyagu Si Iskood Ah U Balaadhsadaan Islamarkaana Bixiyaan Kharashaka Dheeriga Ah Ee Ku Baxaya Barkadani Sida U Noo Sheegay Isagoo Goobtaasi Ku Sugnaa Mareeyaha Mashruuca PCDP Ee DDSI Dr.C/Qaadir Imaan .

Ugu Dambeyntii Socdaalkaasi Kadib Ayaa Waxa Ay Masuuliyiinta Iyo Waftigaasi Yesheen Shirar Kala Duwan Oo Ka Kala Dhacay Magaalada Jigjiga Iyo Qabri-Bayax Kuwaasi Oo Loogu Soo Bandhigay Waftiga Wax Qabadkii 5ta Sano Ee Wajigii Labaad Ee Mashruuca PCDP Iyadoo Mashruucani Uu Wajigisii Labaad Ka Hawlgalijirey Degaanka Somalida 24 Degmo Oo Ka Mid Ah Kana Fuliyey 1264 Mashruuc Mudo 5sano Gudahood Ah Ayaa Waxa Uu Guud Ahaan Gabagabeeyey Mashaaricahaasi Marka Laga Reebo 12 Mashruuc Oo Ay Socdaan Dhismahoodu Gabo Gabona Ku Dhaw . Qore: ciise cali