Ila-Qosol:-Dhacdo Ka Dhacday Gobolka Liibaan Xiliyadii Dhergiga(Inakeena Aynu Magaalada Ka Soo iibsano Afka Amxaariga)..

Waxaa ka dhacday Deegaanka Gobolka Liibaan Xiliyadii talisyadii cadaadiska ku dhisnaa ka talinayeen Dalka Itoobiya in dadka Miyiga ku noolaa uu nin ka mida Reer-baadiyaha Soomaalida Degan agagaarada nagayle in uu ka tegay Baadiyihii iyo Xoolihii uu Raaci jirayba Go'aansadayna in uu magaalada Nagayle Tago si uu uga soo shaqaysto Mudo Markii magaaladii joogay ayaa uu Dib ugu soo Noqday Beeshii Reer Miyiga ahayd ee uu ka tegay isagoo Dhawr kalmadood oo Af-amxaari ah soo Bartay.

Ninkan Isku-xariifinayay Dhawrka kalmadood ee Afka Amxaariga ah ee uu ka soo bartay Magaalada lana dhex yimid Qaar ka mida Dhalinyaradii ay saaxiibada ahaayeen Xiligii uu Miyiga joogay ayaa isugu xariifiyay Af-amxaarigii balse Dhalinyaradani umaynan Qaadan wax Ciyaar lagu heli karo barashada Afka amxaariga iyadoona ay 3 ka mid ahayd Dhalinyardii Miyiga ee loogu xariiftamay Af amxaarigu ay Go'aansadeen in ay u sii Sahay qaataan Dhanka magaalada Nagayle si ay Afka-Amxaariga ah uga soo iibsadaan Iyagoona Moodaya in Barashada Afka-amxaariga ah ku xidhan tahay in aad ka soo iibsato Dukaanada magaalada sida nac-naca oo kale kkkkkkkk.

3dii Nin ayaa markii ay magaalada galeen ayaa waxaa Durbadiiba u soo Baxday Markay arkeen dadkii oo ku wada hadlaya Af-amxaariga in uusan iib ahayn balse loo baahan yahay in Midkiiba uu maalin kasta hal eray oo Af-amxaari ah Soo Xiftiyo(Barto) iyagoona maalintii ugu horaysayba ku sii Dheelmaday Reerihii iyadoo Ninkiiba hal eray ku wardinayo Sedexdan Nin ayaa soo kala Xiftiyay Ereyada kala ah enyaa oo ku ah afka soomaaliga "Anaga".kii 2aad ayaa isaguna soo Qabtay ereyga ah Sadhabe oo luqda sooaliga ku ah"Na-Caayay". kii 3aadna Ishi oo ah"Haye) maxaase maalintii 1aadba ka raacay iskuba Baran lahaydaa!!.

Waxaa Dhacday in ay isku soo Beegmaan Xili Duleedka Reerkii ay 3da Nin Deganaayeen lagu Dilay Mid ka mid ahaa Askartii Dhergig iyo Midkastoo ka ida 3dan nin oo ku wardinaya Midba ereygii uu ka soo Qishay magaalada si ay Barashada afka Amxaariga u bartaan.

hadaba Maxaa dhacay waxaa Reerkii Durba Yimid Askartii Dhergiga oo ka soo Duushay Nagayle markay Reerkii ku soo baxeena waxay ku soo baxeen 3dii Nin oo Meel Geed hoostii ah fadhiya Markii la dul yimidna Waxaa la waydiiyay Su'aal ahayd yaa dilay markaasuu kii 1aad yidhi enyaa"Anaga",Ka dib ayaa Hadana la waydiiyay sababta ay u Dileen saa kii 2aad ayaa ku jawaabay ereygii uu soo xafiday oo ahaa Sadhabe ama wuu na caayay,Askartii ayaa xanaaqday markaasay ku yidhaahdeen sedexdii nin haday sidaas tahay Idinkana kama Danbaynaysaan kaaga Sii Darane kii 3aad ayaa Yishi Ishi ama Haye Maxaa ka Danbeeyay Dhamaystiro Akhristoow Ma Naxayaashii Dhergiga iyo Dhacdadan ay Af la'aan 3dan nin waxaynan ogayn isku Markhaati Fureen.