Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwayne Ku-xigeenka DDSI ahna Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka oo ay Wehelinayeen Masuuliyiin Kale oo Booqasho Ku Tegay Mashruuca Dibudejinta ee laga wado Harawo .

Harawo(cakaaraNews) Arbaco Dec 25,2013.Wafti balaadhan oo uu Hogaaminayay madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka Mudane C/xakiin Cigaal Cumar ayaa Kormeer Hawleed Ku Tegay Gobolka Siti gaar ahaan mashruuca Dibudejinta Qoysaska ee laga Wado Deegaanka HARAWO iyadoona ay Dhamaanba Qaybaha Shacabka iyo Maamulada Gobolka Siti ay waftigan si Heer sare ah ugu soo Dhaweeyeen.

Sida uu sheegay Madaxwayne Kuxigeenku mar ay Shir balaadhan isugu Yimaadeen Qaybaha Shacabka Degmada Harawo ayaa uu u sheegay in ujeedada ay ka leedahay Xukuumadu kulankan uu saka ku hayo sidii Bulshada Wada-tashi sal balaadhan loola yeelan lahaa si loo Dhaqangaliyo Barnaamijkan Dibudejinta Qoysaska ee Mashruuca Harawo oo ay Xukuumada DDSI u qabatay Miisaaniyad aad u faraban oo Bulshada loogaga Smato bixiyo gaajada iyo saboolnimada si loo sugo Damaanada Cuntada(Food Security) ayuu yidhi madaxwayne ku-xigeenku.

Mudane C/xakiin ayaa Tibaaxay in looga baahan ahay Bulshada sidii ay ugaga faaiidaysan lahaayeen Mashruuca Dibudejinta HARAWO taasoo looga gol-leeyahay Kobac Dhaqaale iyo Kor u Qaadida Nolosha Shacabka si loo Daboolo damaanada Cuntada loogana Xoroobo Cunto yarida iyo Gaajada ayuu yidhi.

Dhanka Shacabka ka faaiidaysan Doona Mashruucan Harawo ayaa ku Muujiyay Yididiilada farxadooda in ay Xukuumada ugaga Mahadcelinayaaan Hogaaminteeda Cadaaladeed iyo Maan kuhayntooda sidii loo Daryeeli lahaa Shacabka Deegaanka iyo Maaraynta Noloshooda.

Isku Soo Wada Soohoo Qorshaha Barnaamijka Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka laga Hirgaliyay Deegaanka ayaa Tusaale ku dayasho Mudan u noqday Dhamaanba Deegaanada DFI si Shacabwaynaha DDSI loogaga Faaiideeyay Barnaamijka Dibudejinta Waxsoosaarkooduna uu maashaayeeyay ka Sakow Deegaanka Dhamaanba Dalka.