Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska waxbarashada maamulka magaalada jijiga Kulan lagu Qiimaynayo Heerka Tayada Baris-Barasho u Furay Dhamaanba Maamulayasha iyo barayaasha Iskuulada Jigjiga.

Jijiga(CakaaraNews) Khamiis Dec 27,2013. Waxaa lagu Soo gabagabeeyay magaalada Jigjiga Kulan lagu Qiimaynayay Heerka Tayada waxbarashada laga Bixiyo Dugsiyada maamulka Magaalada Jigjiga iyadoona ay u dhanaayeen Qiimayntan oo lagu Qabtay Dugsig H/dhexe ee Wiil-waal Dhamaaanba Maamulayaasha Dugsiyada ka jira Magaalada Jigjiga. Kulankan ayaa ugu Horayn lagu dhagaystay warbixinta Waxqabadka Rubucii 1aad waxa laga Hirgaliyay Qorshihii u yaalay waxbarashada,Caqabadihii jiray iyo Su'aalo la iswaydiinayay.

ujeedada kulan kan qiimaynta ah ayaa ahaa mid si gaar ah diirada loogu saarayay waxqabadka rubucii 1aad wixii ka qabsoomay iyo waliba u diyaargarawga ka midho-dhalinta qorshayaasha guud ee uyaala maamulka magaalada jijiga ee dhinaca waxbarashada.

Kulankaa Qiimaynta ah oo socday mudo 2 maalmood ayaa ay ku soo bandhigeen Xafiiska Waxbarashada iyo Maamulayaashaba Dugsiyadu waxqabadkooda iyo waliba guulaha laga soo hooyay dhinaca Tayaynta waxbarashada rucubii koowaad taasoo lagu ogaaday in dugsiyada kala duwan ee maamulka magaalada jijiga ay ku socdaan tubtii iyo qorshayaashii loo dajiyay Sanadkan Tayada baris-Barasho ee qorshaha waxbarashada iyadoona rubuca 2aad laysla qaatay in la saxo ama laga soo dhalaalo Dhinacyadii lagu liitay Rubicii 1aad Dhanka Hirgalinta Qorshaha 1t Quarter.

kulankaa ayaa waxaa hadal Dardar-galin ah ka soo jeediyay madaxa xafiiska waxbarashada iyo kobcinta awooda ee maamulka magaalada jigjiga mudane khadar sakariye isaga oo maamulada dugsiya waalidiinta iyo dhamaan dhinacyada ku lug leh dhinaca waxbarashada loo tafaxayto sidii loo heli lahaa arday tayo iyo tiroba leh maadaama oo ay yihiin jeelka mustaqbalka hogaamin doona dalka .

Sidoo kale waxa uu madaxafiiseedku tibaaxay in dhamaan maamulada dugsiyada iyo macalimiinta ay sameeyaan dadaalo dheeraad ah si aan u gaadhno yoolasha iyo italaatajiyada ay xukuumada DDSI, sidoo kalena waxa uu sheegay In xafiiska maamulka magaalada jigjiga ay ka go’antahay in uu had iy