Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan lagu Gorfaynayay Adeeg-Bixinta iyo Dawaynta Dadka La Nool Cudurka HIV/AIDS oo Ay Iska kaashadeen Xafiiska Caafimaadka DDSI iyo Hay'ada ICAP oo La soo Gabagabeeyay.

Waxaa Lagu Soo Gabagabeeyay Magaalada Jigjiga Kulan-Wadareed lagu Lafagurayay Heerka iyo tayada Adeegbixin Caafimaad ee ay siiyaan Xarumaha Caafimaadku Daka la Nool Cudurka halista ah ee HIV/AIDS iyadoona ay qabsoomidiisa iska kaashadeen Xafiiska Cafimaadka DDSI Iyo Hay’ada Xidhiidhka Shaqo uu ka dhxeeyo Xafiiska Cafimaadka Ee ICAP.

Sida wariyuhu soo Shalwiyay Kulan-wadareedkan ayaa ay Ujeedadiisu Ahayd Sidii Loo Ogaanlahaa Adeega Taakuleynta Iyo Tageerada Xanuunka HIV Aidska ay siiyaan Xarumaha Caafimaadku Dadka La Nool Iyo Waliba Sidi Xarumaha Cafimaadku Ay Bilihii Lasoo Dhaafay Ay Uga Hawlgalayeen Sidi Loo Taakuleynlahaa Islamarkaana Adeeg Bixin Hufan Loo Siin Lahaa Dadka Uu Dhiigooda Ku Jiro iruska Cudurka HIV Aidsku.

Waxaana Kulankaas Qiimeynta Ah Ka Soo Qaybgalay Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Cafimaadka DDSI Mudane: C/Fataax Siciid Iyo Gadhwadeenka Geedi Socodka Kor U Qaadida Cafimaadka Iyo Ka Hortaga Cudurada Ee Xafiiska Cafimaadka DDSI Dr.Cumar Maxamed,Madaxda hay'ada Icap Iyo Hawlwadeenada Xarumaha Cafimaadka Ee Degaanka Somalida Itoobiya .

Hadaba Waxaa Furitankii Kulankani Qiimeynta Ah Ka Hadlay Wasiirku-Xigeenka Xafiiska Cafimaadka DDSI Mudane: C/Fataax Siciid Isagoo Sheegay In Guud Ahaanba Dadaalada Kor Loogu Qaadayo Cafimaadka Ee Xukuumadu Wado Ay Lafdhabar U Yihiin Xirfadlayaasha Adeega Bixiya Islamarkaana Tilmaamay In Guulo La Taabankaro Laga Soo Hooyey Adeegsiinta Iyo Daweeynta Dadka La Nool Cudurka HIV Aidska.

Mudane C/fataax ayaa sharax ka bixiyay Qorshayaasha Kor loogu qaadayo tayada Adeeg-bixinta Caafimaad ee ay xarumaha Caafimaadku siiyaan BukaankaIsagoona ku Ku Booriyey Kasoo Qaybgalayaashii Kulankaas In Ay Sii Laba Jibaraan Dadaalkooda Ku Aadan Tageerida Iyo Adeeg Siinta Dadka La Nool Xanuunka HIV Aidska.

Isku Soo Wada Soohoo Waxaa Hubaala In Todobaadyadii ugu danbaysay ay wasaarada Caafimaadka DDSI dhexda u xidhatay Dardargalinta Dhamaanba Adeeg-bixinta Caafimaad ee ay Isbitaalada iyo xarumaha Caafimaad Bixiyaan sidoo kalana Hawl-wadeenada iyo Xirfadlayaasha Caafimaad lagu Jiheeyo ka midhodhalint Tubta iyo Jihada Qorshayaasha u degsan Xukuumada Dhanka Caafimaadka.