Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir-Wadareed Ay u Dhamaayeen Dhamaanba Qowmiyadaha JDFI iyo Safiirka Cusub ee DFI u Fadhiya Australia oo Ka Dhacay PERTH.

Perth(CakaaraNews) Sabti Dec 28,2013. Waxaa Maanta ka Dhacday Magaalada Perth ee Cariga Australia Shir ay si heersare ah u soo agaasimeen Jaaliyada DDSI ee kaDhisan Perth iyadoona ay Munaasabadan Qiimaha lahayd ka soo Qaybgaleen Dhamaanba Qurbajoogta iyo Jaaliyadaha Qowmiyadaha ka soo jeeda Dalka Itobiya ee ku dhaqan Australia.

Kulankan ayaa uu Sidoo kale uu ka soo qaybgalay Safiirka jamhuuriyada Federalka Itoobiya u fadhiya Cariga Australia Mr Araga Hailu Taffare iyo Qaar ka mida masuuliyiinta Jaaliyaadka Dalalka aynu jaarka nahay Sida DFS.

Sidoo kale Kulanwaynahan wadareed ayaa waxa uu u Dhacay si Heersare ah iyadoona ay Dhamaanba Qowmiyadaha Dalka DFI ay ka Dhexmuuqdeen isamarkaana ku soo bandhigayeen Dhaqamadooda iyo Sida ay ula Dhacan yihiin Isbedelada Xawliga ah ee ka Taabogalay sanadihii ugu danbeeyay DDSI suurtogalisayna in Munaasabadii ugu Qiimaha badnayd Abid ee lagu xuso Maalint Qadarinta iyo Qiimaha Mudan ee Hidar 29 Magaalada Jigjiga.

Dhanka kale safiirka ayaa u mahadceliyay Jaaliyada DDSI ee Perth ee suurtogalisay qabsoomida Kulan-Wadareedkan,isagoona warbixin a siiyay isbedelada dalka Itoobiya Gaar ahaana sanadihii ugu Danbeeyay ee uu Hogaanka DDSI uu hayay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo Muhandis Qarameed u Noqday isku soo dhawaanshaha walaalnimo ee Qowmiyadaha iyo Shucuubta DFI iyo Kacaanada Isbedelada iyo Kobaca Dhaqaale ee Xawliga ah laguna Hirgaliyo isxilqaan-shaqo ayuu yidhi.

Munaasabadan ayaa lagu wada Qiray Yididiilada ay Hiigsanayaan Mustaqbalka Dhaw Shacabweynha ka soo Jeeda DDSI meel kasta oo ay Dacalada Dunida kaga Nool yihiin iyo Xukuumada DDSI oo Gundhig u Noqotaya kacaan Xawaare ku socda oo Daqiiqadii astaba kor u sii Qaadaya Nolosha iyo Dhaqaalaha Deegaanka.

Isku Soo Wada Soohoo Kulankan ayaa ku soo Gabagaboobay Jawi aad u Qurux badan iyo Qowmiyada Soomaalida Itoobiya ee Perth oo ku haftay Amaantii iyo Bogaadintii Xukuumada DDSI yo Shacabka DDSI loo soo Jeedinayay.