Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Qurbajoogta Ka Soo Jeeda Degmada Feer-Feer oo Taageertay Waxqabadka Siman ee Xukuumada Bogaadisayna Socdaal uu Dhawaan Gudomiyaha Gobolka Shabele ku Tegay Feer-Feer.

Waxaa email nooga Soo Diray Cariga Dalka Sweden Qurbajoog isugu jirtay Waxgaradka,Odoyaal-Dhaqameed,Aqoonyahan,Dhalinyaro ,Culumaa'udiin iyo Haween ka soo Jeeda Degmada Feer-feer kuwaasoo Bogaadiyay Heerka Waxqabadka ay Dhamaanba Degmooyinka iyo Gobolada uu ka kooban yahay DDSI ay Xukuumada Maanta Jirtaa ka Taabo-galisay,sidoo kalana isbedel Horumar,Maamul-suuban iyo N/galyo Tubta ku Riday Hiigsiga Mustaqbalka Dhaw Kobac Dhaqaan-dhaqaale ay ku Damaashaadaan Shacabweynaha Deegaanku ay Xukuumada Maanta ka jirtaa ka Taabo Galisay Deegaanka.

Waxaanu kaloon ku faraxsanahay Socdaalkii Dhaxalgalka ahaa ee uu Dhawaan ku Tegay Degmada Feer Feer Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Cabdi Sonkor oo Kulamo Wadatashi sidii wax looga qaban lahaa Baahiyaha Shacabka Deegaankaas ee ku saabsan Dhinacyada Horumarka,Maamulka Suuban iyo Maalgashiga la soo yeeshay Dhamaanba qaybaha Shacabka Degmada Feer-feer.

Waxaanu balanqaadaynaa hadaanu nahay Qurbajoogta ka soo Jeeda Feerfeer ee ku Dhaqan Daafaha Dunida Siiba Sweden in aanu taageero Hiil iyo hooba aanu waligayo la garab taaagananahay xukuumada DDSI ee uu Hogaanka u hayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo MaamulkaGobolka Shabeele,islamarkaana aanu ka soo Dhalaali doono kaalinta nagaga aadan isbedelada Horumarineed,N/galyo,Maamulsuuban iyo maalgashiga ka hanaqaaday Guud ahaan Deegaanka.

Qurbajoogta ayaa hambalaysay munaasabadii taariikhiga ahayd ee lagu xusay Malinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya ee Dhawaan ka dhacday Jigjiga Sidii Qaranimada iyo Hawlkarnimada lahayd ee ay Xukuumada iyo Shacabkoo gacmaha ishaystaa uga soo Dhalaaleen