Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ismaciil Cabdi Cumar oo Toobada Alle Waafajiyay Nacladna Dusha Ka Saaray 3da-Koran ee Ka Ganacsada Dhiiga Shacabka.

Melbourne(CakaaraNews) Waxaa uu Wariyaha Ilqoodhka ee noo jooga Cariga Australia uu noo soo tebiyay in ismacil abdi cumar oo ka tirsanaa mudo dheer ururkii nabadiidka ahaa ee loo Yaqaanay Sabanada Qaar UBBO Mudooynkii ugu Danbeeyayna ka dabar go'ay Dalka Gudihiisa Walow ay jiraan Shaqsiyaad Qurbaha ku Nool oo ay Quutal-Daruuri u ahyd walina Dabada sii haya inkastoo ay Qurbajoogtuna Dhag jalaq u siin wayday Kacdoono ku wayraxsan Sidii arxandarada ahaa ee ay Shacabka Deegaanka UBBO u Gumaadayna kagala Hortageen Qurbajoogta Baraarugsan ee DDSI inta badan Dalalka Caalamka halka Australiana Xabsiga loo Taxaabay 2bo ka mda 3da Koran.

Ismaciil Cabdi Cumar ayaa Mudooyin badan ka Mid ahaa Xubnaha UBBO ee Dalka Australia Bacda kaga halgama Sida uu Kabiirkiisa taksiilaha ah Ka Sheegay Melbourne isagoona ku sugnaa isla magaalada Melbourne oo Dhe-mukhuursanaa mala-awaalkii iyo Riyo-Beenaadkii Gudhay ee UBBO huwanayd sabanada Qaar.

Sida uu Wariyahayaga Melbourne soo Shalwiyay Ismaaciil ayaa Garwaaqsaday Ahmiyada Balaadhan iyo Ifafaalaha Mustaqbalka Jihada Siyaasadeed,Horumar,Maamul-Saxar Tiran iyo Nabadgalyada Salka ay u Dhigeen Xukuumada DDSI,Ciidamada Liyuupolice iyo Shacabkoo gacmaha ishaystaa lanaAmaqaaday Horumar iyo Isbedelo Dhaqan-Dhaqaale oo Baaxad wayn soona jiitay Indhaha Caalamka.

Warka ayaa intaaku daraya in Ismaaciil oo ka mid ahaa Hawl-wadeenada Golaha Dhexe UBBO-Koranadeeda u joogay dalka Australia gaar ahaan magalada Melbourne ayaa kadib marki uu xaqiiqsaday garwaaqsadayna hormarka,Maamulka Suuban iyo nabadgalyada ka taaba galay dawlada degaanka somalida Ethiopia ayaa waxuu go'aan buuxa markii uu isla showray ku gaadhay inuu nabada qaato iyadoo oo uu xiriir toosa lasameyay masuliyiinta Masuuliyiinta heerarkooda ee Qaabdhismeedyda dawlada deganka somalida Ethiopia iyo safaarada ay ku leedahay dawlada Ethiopia dalka Australia gaar ahaan magalada Canberra iyadoona uu halkaas kula kulmay safiirka u fadhiya DFI mr Araga Hailu Taffare taasoo uu safiirku si wayn usoo dhaweyay go,aankii uu qaatay ismacil abdi cumar halkaasna uu ismaciil abdi cumar qalinka ku duugay cadayn buuxdana ku saxiixay inuu ka soo noqday go,aankisii ahaa inuu ka sii tirsanaado ururka nabadiidka ee uu Hogaamiyaan 3da-Koran ee Dibadaha Kiishka la wareega.

Isku soo wada Soohoo loo Gole banee 3dii Koran ee Dibadaha ay uga socon wayday Riyo-Beenaadkii Gudaha Dalkana Sabankan laga Nadiifiyay Intii Gorofyada ku Dhuuman jirtay uguna Danbeeyay Cabdi Caasi(Cissi ubbo).