Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xaafadaha Isku-Raran ee Awraagodanaha Jigjiga Ala Maxay Tahay Malaha isku-Dhex Karis Ama Fadh-Fadhiya.

Jigjiga(CakaaraNews) Maalin Dhawayd xiliyadii lagu jiray Diyaargarawgii xuskii Dhaxal-galka ahaa una Askumay Qowmiyada Soomaalida Taariikh iyo Maamuus Sharafeed oo lagaga Tixgaliyo Dalka Itoobiya una aayi Doonaan Jiilalka Soo socda ee lagu Xusay magaalada Jigjiga maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya ayaa mar aan agmarayay Xaafado isku-raran ah oo ku Teedsan Dhanka danbe ee Xerada Wakaalada Dhisida Wadooyinka DFI ee ku taal Xaafada 10aad ka soo horjeedka SERP ayaa aan aad ugu sii fiirsaday Dhulka yar ee Xayndaabka ah hadana ay ku nool yihiin Dad kala jaad jaad ah oo Qoorta kala soo baxaya Guryo Duugoobay una badan Guryo Baraako ah oo ka samaysan Jiingado.

Xayndaab-xaafadeedan ayaa ay Guryaha Doqoshka ahi isku xidhiidhsan yihiin islamarkaana aynan lahayn Wado Quman oo Aqal ilaa aqal ah wadiiqo yar oo Dhudhub ah ayaa dhex marta balse waxaan la garan karin Kadinada Aqal kasta laga galo ama laga baxo.sidoo kale dadka ku nool Xaafadan ayaa ah kuwo aad u badan iyadoona Habeenkii laga Dareemo Xaafadaha jaarka la ah Xayndaab-Xaafadeedan Sawaxan iyo Buuq ka Socda.

Qaar ka mida Dadka Degan Xaafadaha Jaarka la ah Xaafadan ayaa noo sheegay in ay yoomayso xili kasta Goobtani iyadoona ay sii wacdaro iyo sawaxan waalan tahay Habeenkii ayay yidhaahdeen.

Isku soo wada Soohoo Xayndaab-xafadeedkan ayaa Guryaha Jiingadaha ah iyo Baraakooyinku isku xidhidhsan yihiin lahayna Wadooyin iyo Meelo loo maro Taasoo Dhibaato xoogan lagala kulmi karo Hadii Dab uu si kadis ah uga Holco ayma adkaan karayso in si dhibyar Gurmad looga gaysto Daminta Dabka maadaama ay Jiq Tahay.