Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xeeladaha Cusub ee ay Tagaasidu Ku Indha-Sarcaadiyaan Taraafikada.

JigjigaCakaaraNews)Waayadanba waxaan ku dhex arkayay Magaalada Jigjiga Bajaaj aan lahayn wax Taariko ama Sharciga Dhaqdhaqaaqa oo Si la mida Takaasida kale ee leh Sharciga ama Taarikada uga Dhex shaqaysanaysa Magaalada Dadwaynahana kolba Dhan u guraysa waaana Astaan Sharci daro ah Balse waxaa wajiga Hore ee Bajaajtan ka lalmada 4 Calan oo yar-yar oo Hadheeyay Bartii Taarikada lagu xidhi lahaa taasoo Indhasarcaad ku Noqotay Taraafikada.Sidoo kale Dhanka Danbe ee Bajaajtan ayaanay ku Dhagsanayn Taarikadii.

Darawal ka mida kuwa Bajaajyada Magaalada oo naga Codsaday in aanaan Shaacin Magaciisa ayaa noo shegay in Bajaajtani ay Mudo ka badan 4 bilood magaalada kaga dhexshaqaysanaysay 4tan Calan iyadoon lahayn Wax Taariko ah. Arintan ayaa Sharci Darada Dhanka Dhaqdhaqaaqa ka sakow aan lahayn Cinwaan loo Raaco hadii ay Shil gaysato,Qof alaab ku dhex iloobo amaba Falal kale.