Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Siminaar ay Wadajir u Soo Agaasimeen Wasaaradaaxbarashada DFI iyo Wasaarada Waxbarashada DDSI oo Loo Qabtay Madaxda Wasaaradaha Waxbarashada 6 Gobol.

JIgjiga(CakaaraNews) Talaado Dec 31,2013.Tababar ay Iska kaashadeen Qabsoomidiisa Wasaarada Waxbarashada DFI iyo Wasaarada Waxbarashada Deegaanka oo ay kaa Soo Qaybgaleen Wasiiru-Dawlaha Wasaarada Waxbarashada Federalka Mudane: Fuad Ibrahim,Agaasimayaasha Waxb DFI,Kuxigeenka Waxbarashada DDSI Mudane Guleed Max’ed Jabane,Lataliyaha Waxbarashada Mudane Cabdulaahi Maxamed(gasiile) iyo 85 Xubnood oo ka kala Socday Madaxda Xafiisyada waxbarashada Degmooyinka iyo Khabiirada 6 Gobol ayaa ka socda Maalintiisii 4aad Hotel Nogob ee magaalada Jigjiga.

Tababarkan ayaa Waxaa Furitankii Ka Hadlay Wasiir ku-Xigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI Mudane; Guleed Max’ed Isagoo Ka Warbixiyey Dulucda Tababarkani ku saabsan yahay oo ah kor u qaadida tayada waxbarashada iyo Kobcinta Aqoonta Barayaasha si loo Suurtogaliyo Nidaam ku haboon Tayada Baris-Barasho ee Deegaanka,Kuna Booriyey Xubnihi Ka Soo Qaybgalay In Ay Ka Faideystaan Inta Uu Socdo Tobabarkani Isla Markana Ilaliyaan Saacadaha Isagoo Sidoo Kale Kula Dardaarmay In Ay Hirgeliyaan Waxyaabaha Tobabarka Ay Ka Faidaan.

Sidoo kale Waxaa Isaguna hadal ka soo Jeediyay Siminaarkan Wasiru Dawlaha Wxbarashada Heer Federal Mudane: Fuad Ibrahim Isagoo Tilmaamay In Waxbarasshadu Ay Tahay Wadiiqada Keliya Ee Dalku Ku Horumari Karo Sidaa Darteedna Loo Baahanyahay In Faham Loo Yeesho Siyaasadaha iyo jihooyinka Waxbarashada Dalka Iyo Degaaanka Kuna Booriyey In Looga Baahanyahay Tababartayaasha In Sidii Loogu Talagalay ay Uga Faideystaan Tobabark .

Siminaarkan ayaa Tababartayaasha Gobolada loo Qabtay kala Yihin faafan,Jarar,Nogob,Doolo,siti Iyo Qoraxey Iyadoona Ujeedada laga leeyahay Tobabarkani tahay Sidi Isbedel Degdeg Ah Looga Keeni Lahaa Dhanka Xidhmooyinka Waxbarashada Loona Kobcin Lahaa Aqoonta Xubnahani Si ay u Hirgeliyaan Siyaasada Waxbarashada Dalka Iyo Degaanka Iyo Ka Midho Dhalinta Qorshaha Kobaca Iyo Isbedelka Dhaqaalaha Dalka Iyo Degaanka Si Markaasi Lo Soo Saaro Arday Ka Dhisan Dhanka Aqoonta Islamarkaana Leh Tiro Iyo Tayo Oo Ka Qaybqaata Hawlaha Horumarka.

Isku Soo Waa Soohoo Simaarkan ayaa Muada loogu Talogalay in uu socdo tahay 10 Cisho iyadoona ay Casharada Bixinayaan Khabiiro ka Socda Wasaarada Waxbarashada Federalka kuwaasoo la Xidhiidha Hirgelinta Jihada Siyaasada Waxbarashada , Nidaamka Losoo Ururinayo Xogta Ardayda Dugsiyada Degaanka, Horumarinta Xidhmooyinka Waxbarashada Iyo Sidii Loo Abuuri Lahaa Ciidan Horumarineed Ee Dhanka Waxbarashada.nka 3daas Gobol .