Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Waxbarashada Degmada Dhagax-buur Ayaa Sheegay Inuu Gaadhsiiyay Dharka Dugsiyada (Uniform) 440 Arday Oo Ka Mida Gabdhaha Wax Ka kala Barta 5 Ka Mida Dugsiyada Degmada Dh/buur.

Dh/buur(CakaaraNews) Arbaco Janaury 01,2014.Xafiiska Waxbarashada Degmada Dhagaxbuur ayaa ku Hawlan Sidii kor loogu qaadi lahaa nidaamka baris-barashado iyo Dhiirigalinta Doorka Gabdhaha ee Sanad dugsiyeedkan 2006,islamarkaana sida uu Wariyahayaga Gobolka Jarar uu noo Sheegay uu Xafiiska Wax Dh/buur uu u Qaybiyay Dharka Astaanta Ardaynimo(Uniform) arday Dhan 440 Gabdhood oo wax ka barta Dugsiyada Degmada Dh/buur.

Warka ayaa intaa ku Daraya in Dugsiyada loo Qaybiyay oo Wada Hoostaga Maamulka Waxbarashada Degmada Dh/uur kala yihiin Dugsiyada santarada iyo tuulooyinka cobolle, hiiglalay,garawo,Hoodaale iyo Sasabane. Mid ka mida khabiirda xafiiska Waxbarashada Degmada in Kutalagalka Xafiiska Dhanka Qaybinta Dharka Astaanta Ardaynimo(Uniform) uu yahay 5ta-Dugsi ee Kor ku xusan Dhamaantoodna la wada Gaadhsiiy.

Degmada Dh/buur ayaa Waxaa Kajira 48 Dugsiyo kuwaasoo isugu jira dugsiyo Hoose,Dhexe iyo Sare Islamarkaana sanad dugsiyeedkan 2006da Ay wax ka Bartaan Arday Ka badan 12kun oo arday Sida Uu Wariyaha Gobolka Jarar Maxamed Cabdi Cali (Garbo)Noo Xaqiijiyay Waxaana Kasocota Dugsiyada Degmada Dardar xoogan oo kor loogu qaadayo tirada iyo tayada Baris Barasho Ee Waxbarashada Degmada Dhagax-buur