Aqoon-Iswaydaarsi Lagu Goraynayay Daraasaadka Mashruuca Waraabka Gobolka Shabeele oo Ka Dhacay Hotel-Xama.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco Janaury 01,2014.Waxaa Maanta ka Dhacay Hotel Xamda Aqoon-iswaydaarsi lagu Gorfaynayay Daraasaad Laga soo sameeyay Mashruuca waraabka Gobolka shabeele,iyadoona ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah xafisyada dawlada iyo hay'adaha aan dawliga ahayn ee ka jira Xarunta Deegaanka.

Sida kor ku xusan Kulankan ayaa looga gollahaa sidii loo falanqayn lahaa daraasaadkalagasoo sameeyay adeegsiga mashruuca waraabka ee Bulshada Shabeele loogaga faa-iidaynayo dhinaca wax- soo saarka beeraha Sida la sheegay Samaynta Daraasaadkan ayaa ay wadajir iskaga kaashadeen Machadka Cilmi=baadhista DDSI,xafiiska Maaliyada iyo orumarinta Dhaqaalaha DDSI,Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha iyo xafiiska Beeraha iyadoona ay Taakulo dhanka Farsamada ka siiyay Dhamaystirka daraasaadkaasi jaamacada Tufts oo dhinaca kharashkana ay ka dabooshay USAID.

Aqoon-iswaydaarsigan ayaa ay ka so qaybgaleen Wasiirka Xafiiska Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka DDSI Mudane C/wahaab rashiid,Kusimaha xafiiska Beeraha DDSI Mudane Muxiyadiin Maxamed iyo Masuuliyiin kale.

Waxaana aqoon siwaydaarsigaasi ugu horayntii ka hadlay Wasiirka Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka Mudane C/wahaab Rashiid Sheegayna in aqoon iswaydaarsigan lagu soo bandhigi doono daraasaadkii ay ka soo sameeyeen khabiiradii u xilsaarnaa ka faaiidaysiga Mashruuca waraabka Gobolka Shabeele kaasoo ah Nuqulkii ugu danbeeyay ayuu yidhi.

Mudane C/wahaab ayaa Tibaaxay Qorshayaasha Xukuumada DDSI in ay Xooga saartay sidii looga midho dhalin lahaa Sidii Bulshada Deegaanka loogaga faaiidayn lahaa Waxsoosaarka Beeraha si looga Gudbo cunto-yaraanta iyo saboolnimada. Dhanka kale Khubaradii loo xilsaaray samaynta Daraasaadkan ayaa kulankan ku soo Bandhigayay habraacyada,dabeecadaha iyo Xeeladaha ay ku soo jaangooyeen daraasaadkan iyadoona Suaalo laga waydiinayay.

Isku soo wada duuboo iyada oo uu guud ahaanba dhulkeenu hodan ku yahay khayraadka dabiicaga ah ee alle ku manaystay ayaa gobolka shabele waxa uu ka mid yahaya gobolada gobolada ugu khayraadba badan dalkeena itoobiya haddii looga faa-iidaysto sidii loogu tala galayna kaafiyi doona Geeska afrika,iyadoona uumaro gobolka marka lag reebo 2 degmo dhamaan degmooyinkiisa kale wabiga shebeelo oo ah wabiyada ugu waawayn dalka itoobiya iyadoona ay xukuumada DDSI ka hirgalisya mashruuca Dibudejinta waraabka degmada beercaano ee galbeedka shabele tasoo bulshada xoolo dhaqatada ah loogu badalayo xolo dhaqato beeralay.