Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Waxaa Manta ka Qalinjabiyay Kuliyada Caafimaadka 146 Xirfadle Caafimaad.

Jigjiga(CakaaraNews) Arbaco jan 01,2014.waxaa maanta ka qalinjabiayay Kuliyada Caafimaadka Magaalada Jigjiga Xirfadlayaal caafimaad oo dhan 146 oo Culuunta Caafimaadka ku Qaadaayay Kuliyada mudo sano ah iyadoona Maanta loogu Qabtay Munaasabad Heer sare ah oo Ardaydani lagu Gudoonsiinayay Abaalmarino, Buuga Qalinjabinta iyo Dardaaran la Xidhiidha u Hagarbixida Shacabkooda. Munaasabadan qalinjabinta ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI Mudane C/fataax siciid,Wasiirka TVETka Mudane Ibraahin Cali,Hormuudka Kuliyada Caafimaadka Mudane C/raxmaan Curaagte,Waalidka Ardayda iyo Agaasimayaasha Xafiiska Caafimaadka.

Kuxigeenka caaimaadka Mudane C/fataax Siciid ayaa ugu horayn u hambalyeeyay Ardaydan Qalinjabinaysay yidhina waxaa farxad ii ah in aan la Qaybsado farxada qalinjabiyayaasha Qaybaha Accelerated Mid-wafery iyo Health Extension Practitioner oo ah lafdhabarta adeega caafimaadka gaar ahaan daryeelka Hooyada iyo dhalaanka loona baahan yahay in aad ku xisaabamaan maalin kasta ilbidhiqsi kasta oo ka mida Saacadaha ama 8da saac ee ay shaqaynayaan in aad maskaxda ku haysaan in aad Bulshada ugu hagar baxdaan Siinta Adeeg Caafimaad oo Hufan iyo Daryeelka Bulshada xoolo dhaqatada ah iyadoona aynan noqon doonin Qalinjabintii ugu danbaysay ee ay Jiraan Qorshayaal kor loogu Qaadayo aqoonta iyo Xirfada Caafimaad(Up-Grading) ay Wasaarada Caaimaadka DDSI Xirfadlayaasha hawl-wadeenada caafimaadka Waxbarasho loogu dirayo Jaamacadaha iyo Kuliyadaha Dalka ayuu yidhi.

ArdaydanMaanta ka Qalinjabisay Kuliyada Caafimaadka DDSI oo ay Tiradoodu dhanayd 146 Arday ayaa u kala baxayay 43 Arday oo Ka Qalinjabisay Mid-wafery iyo 103 Arday oo ka Qalinjabiyay Health Extension practitioner.

Dhanka kale waxaa Munaasabadan lagu Gudoonsiiyay Abaalmarino Ardaydii Safka hore kaga Jirtay Xiligii Barashada Culuuntan lagu Jiray.